Xildhibaan Max’ed Ibraahim Xaabsade oo xalay geeriyooday

by admin | Sunday, Jan 25, 2015

Muqdisho : HN :–Waxaa saakay isbitaalka DEVA ee magaalada Muqdisho ku geeriyooday Xildhibaan Max’ed Ibraahim Xaabsade oo ka mid ahaa moooudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaan Maxamed Isxaaq Cumar oo ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka si weynna ay isugu dhawaayeen marxuum Xaabsade ayaa sheegay in dhawaan Turkiga loo qaaday, kaddib markii uu xanuunsaday, balse uu caafimaadkiisu noqday mid wanaagsan, balse xalay maqribkii lagu soo booday.

“Maxamed Ibraahim Xaabsade, xalay maqribkii ayuu xanuun kusoo booday, waxaana la dhigay isbitaalka DEVA ee Turkiga, halkasoo uu saaka salaaddii subax ku geeriyooday,” ayuu yiri xildhibaan Isxaaq oo intaa ku daray in marxuumka la aasi doono maanta.

Geerida xildhibaanka ayaa waxay kusoo beegmaysaa iyadoo lagu wado inuu maanta Muqdisho yimaado madaxweynaha dalka TurkigaXaabsade, Recep Tayyip Erdogan, isla markaana ay xiran yihiin waddooyinka magaalada Muqdisho.

Xildhibaan Xaabsade ayaa ka mid ahaa hoggaamiyeyaashii dagaalka ee Somalia, isagoo sidoo kalena ka mid ahaa xildhibaannada halka adag ee ku jira baarlamaanka Soomaaliya.

Intii ay jireen dowladihii KMG ahaa xildhibaan Xaabsade wuxuu ka mid ahaa xubnihii ku jiray baarlamaannadii dowladahaas, isagoo ka mid ahaa xubnihii loo diiday inay ka mid noqdaan baarlamaanka dowladda hadda jirta, laakiin dadaal badan kaddib loo ogolaaday inay ku biiraan.

Dhanka kale, marxuum Xaabsade ayaa horay u soo qabtay jagooyin kala duwan oo heer wasiir ah, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen inuu horay u soo noqday wasiirkii beeraha dowladihii KMG ahaa ee Soomaaliya.

Geerida marxuumka ayaa waxaa ka tacsiyeeyay xildhibaanno fara badan oo ka tirsan baarlmaanka Soomaaliya, iyadoo aysan weli madaxda Somalia ka hadlin geerida marxuumkan ku timid.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!