Xildhibaan Qoono oo siweyn uga hor yimid go’aankii madasha wadatashiga

by wadani | Monday, Dec 26, 2016

Muqdisho : HN :- Xildhibaan Maxamed Xasan Qoone oo ka tirsan xildhibaanada aqalka hoose ee Baarlamanka Somalia ayaa dhaliilay qaar ka mid ah go’aanadii ka soo baxay shirkii ugu dambeeyey hogaamiyeyaasha madasha wada tashiga Qaran ee lagu soo gebagebeeyey magaalada Muqdisho.

Xildhibaan Qoone ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in hogaamiyeyaasha madasha wada tashiga ay 18 xubnood ku kordhiyeen xubnaha aqalka sare, taasoo loo qeybiyey maamul goboleedyada dalka, iyadoo gobolka Banaadir aysan jirin wax metelaad ah oo laga siiyey aqalka sare.

“Madasha wada tashiga waxaa lagu dhisay xeer siyaasadeed ee laguma dhisin xeer sharci ah, go’aamadda ka soo baxana rabitaanka shaqsiyaad gaar ah ayay ku saleysan yihiin, dalka iyo dadkana maslaxad uma ahan” ayuu yiri xildhibaan Qoone.

Waxaa uu sheegay in xildhibaanku in gobolka Banaadir ay wada degan yihiin Soomaali oo dhan uuna yahay caasimada dalka, in la yiraahdo dadka degan waxba ma leh waa cadaalad daro wixii ka yimaada ay masuuliyadeeda qaadi doonaan cidii gaartay go’aankaas oo oo uu ku sifeeyey mid aan sharci aheyn, dastuurka dalka u yaallana khilaafsan.

“Lama aqbali karo in magaalo aysan ku nooleyn boqol kun oo qof la siiyo lix kursi, caasimadii dalka oo saddex milyan ay ku nooshahayna la yiraahdo waxba ma leh, aad ayaana uga xunnahay in xuquuqda gobolka Banaadir ay ku tuntaan dad danahooda siyaasadeed ee gaarka ah fiirsanaya, waa ayaan daro, waa sed bursi, mana yeeli doonno Baarlamanka Soomaaliyeed, wax sharciga aan waafaqsaneyn” ayuu intaa ku daray xildhibaan Qoone.

Xildhibaan Maxamed Xasan Qoone ayaa sidoo kale ku eedeeyey hogaamiyeyaasha madasha wada tashiga Qaran iney qaateen awoodii Baarlamanka iyo xukuumada, ayna nasiib daro tahay iney soo saaraan go’aano xaq daro ku saleysan, wuxuuna madaxda madasha ugu baaqay iney deg deg isugu laabtaan, xuquuqda gobolka Banaadir-na meel soo saaraan.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!