Xildhibaan Qoono” waan soo dhaweynayaa wareegtada madaxweyne Xassan Sheekh

by wadani | Sunday, Dec 20, 2015

Muqdisho : HN :– Xildhibaan Max’ed Xassan Ibraahim Qoono oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ee ka soo jeedda gobolka Hiiraan ayaa siweyn u soo dhaweeyay wareegtada ka soo baxday maxildhibaandaxweyne Xassan Sheekh ee lagu sheegay in gogosha dhismaha maamulka labada gobol Hiiiraan iyo Shabeellaha dhexe la dhigayo magaalada Jowhar, halka Buula-burte lagu sheegay in ay tahay xarunta dowlad gobolleedka.

Xildhibaan Qoono, ayaa sheegay in wareegtada ay ku timid la tashi lala sameeyay waxgaradka labada gobol oo sidda uu hadalka u dhigay iyaga dalbaday in sidda wareegtada loo qoro kuna hishiiyay in madasha shirka laga dhigo magaalada Jowhar degmada Buula-burta -na noqoto xarunta dowlad gobolleed.

Xildhibaanka ayaa meesha ka saaray baahida loo qabo guddi dhameystira howsha dhismaha maamulka labada gobol, isaga oo sheegay in wasaarrada arrimaha gudaha iyo federaalka ku filan tahay dhameystirka howsha inta dhimin.

Mar wax laga weydiiyay sidda degmada Buula-burte u awoodi karto noqoshada xarunta maamulka labada labada gobol marka la eego ammniga degmada oo aan hagaagsaneyn, ayuu sheegay xildhibaan Qoono in Buula-burte amaan tahay oo ay ku sugan yihiin ciidammada dowladda iyo kuwa midowgga Africa AMISOM.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!