Xildhibaan sheegay in hanjabaado looga soo dirrayo madaxtooyada

by admin | Wednesday, Nov 26, 2014

Muqdisho : HN :– Mid ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ee sidda weyn u diidan mooshinka ka dhanka ah ra’iisal wasaare Cabdwali Sheekh Axmed Max’ed ayaa sheegay in ay soo gaarayaan hanjabaado uga imanaya dhinaca madaxtooyada iyo xildhibaannada taageersan madaxweynaha.

Isaga oo la hadllayay warbaahinta ayuu sheegay xildhibaan Cabdi Barre Jabriil in ay hanjabaad joogta ah ay ku hayaan xildhibaanada taageersan Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud.

”Waxaan heynaa cadeymo iyo magacyada xildhibannada iyo shaqsiyaadka ka tirsan madaxtooyada ayaa arrintaa ku kacaya, annagaCabdi Barre Jabriil sharciga ayaan ku taagannahay waligeeena waan ku taagnaan doonaan ayuu yiri,” xildhibaanka.

Sikastaba ha ahaatee xildhibaan Cabdi Barre Jibriil ayaa Sheegay in haddii dhib soo gaaro Mas’uuliyadeeda ay leeyihiin Xildhibaanada taageersan Madaxweynaha Soomaaliya.

Khilaafka u dhaxeeya madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha ayaa hadda u muuqda mid isku rogay dhinaca baarlamaanka iyadoo xildhibaannada ka wadda tirsan baarlamaanka Soomaaliya xaalada meel xun ka mareyso xiligan.

Hiiraan Net.

 

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!