Xildhibaan sheegay in si nabad ah loo qeybiyay mooshinkii maanta

by admin | Monday, Nov 24, 2014

Muqdisho : HN :– Mid ka mid ah mudanayaasha sidda weyn ugu olaleynaya mooshinka ka dhanka ah ra’iisal wasaare Cabdwali ayaa sheegay in maanta si nabad ah loo qeybiyay mooshikii ka dhanka ahaa RW.

Xildhibaan Amiin Daahir Jeesoow  ayaa sheegay in ay billaabi doonan dooda mooshinka maadaama ay haystaan mooshinka.

“Maanta si nabad ayaa loo qeybiyay mooshinka, xildhibaannada waa ay soo aqrisanayaan, kaddibna waxaa la keeni doonaan gollaha sibarka_7 looga doodo codna loogu qaado ayuu yiri,” xildhibaan Amiin Daahir Jeesoow.

Xildhibaanka ayaa sheegay in  warqadaha mooshinka habeenkii la sii daabaco iyaga oo saxiixan, kaddibna subaxdii la qaybiyo oo baarlamaanka sidaasi ay ku helaan,

Sidoo kale,xildhibaanku waxuu caddeeyay xubnah ka soo horjeeda mooshinka markii loo qaybiyay inay jeex-jeexen.

Jeesoow oo la hadlay warbaahinta gudaha Muqdisho ayaa rajo ka muujiyay in xildhibaanada mooshinkaan maanta loo qaybiyay ay soo aqristaan, kadibna guddoomiyaha baarlamaanka uu muddeeyo waqtiga laga doodayo.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!