Xildhibaan ugu baaqay guddoomiyaha baarlamaanka in uu xilka isaga dego

by admin | Saturday, Nov 15, 2014

Muqdisho : HN :– Xildhibaan C/raxmaan Xoosh Jabriil oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa ugu baaqay guddoonka baarlamaanka Soomaaliya in ay xilka isaga degaan haddii aysan maareyn karin ama xakameyn karin fadhiyda baarlamaanka, kaddib markii maanta mar kale lagu kala tagay fadhigii xildhibaannada ay yeellan lahaayeen.

“Gudoomiyaha Baarlamaanka howshiisa waa gabyay, inuu maareeyo ayay aheyd shirka haduusan maareyn karin inuu xilka isaga fariisto oo is casilo waaye, anagaa soo dooraneyno gudoomiye cusub sida ugu dhaqsiyaha badan”ayuu yiri Xildhibaan Xoosh oo khadka taleefanka kula hadlay Wariyaha Jowhar.com

Xildhibaan C/raxmaan Xoosh Jabriil ayaa sheegay in Gudoomiye Jawaari uu awood u siinayo xeer hoosaadka in xildhibaankii buuqxoosh (1) sameeyo uu dibada u saaro, balse ay lug u laaban tahay, isla markaana aanu dooneyn in awoodaas isticmaalo.

“Sida uu u maareyn lahaa xeer hosoaadka ayaa siinaya, qofka buuq sameeyo in laga saaro ayuu awood u heystaa ee ma rabyo inuu isicmaalo, haduusan awoodaas isticmaalin karin ha iska fariisto ayaa leenahay”ayuu hadalkiisa sii raaciyay Xildhibaan C/raxmaan Xoosh Jibriil.

Sidoo kale Xildhibaanka ayaa sheegay inuusan Baarlamaanka u xayirnaan akrin afartameeyo Xildhibaan, waxaana uu xusay inay tani tahay nuuc cusub oo isbaaro ah.

“Afartameeyo qof maloo xayirnaan karo, Baarlamaankana uma xayirnaanayo waa nuuc cusub oo isbaaro ah, hadii Gudoomiyaha Baarlamaanka uu raali ka yahayna mooshin ayaan isagana ka keeneyneynaa”ayuu yiri Xildhibaan Xoosh.

Dhinaca kale Xildhibaanada ka soo horjeeda mooshinka ayaa sharci daro ku tilmaamay, waxaana ay ku hanjabeen in inta uu jiro mooshinkaas ay sii wadayaan is hor-taagooda.

Kulankii Baarlamaanka ayaa lagu kala dareeray maanta oo sabti ah, inkastoo uu ka duwanaa kulankii Talaadadii, waxaana Xildhibaanada maanta ay u istaageen qaadista heesta Calanka, iyagoo watay boorar ay ku qoran yihiin halku dhigyo kala duwan.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!