Xildhibaan Xoosh” guddoomiyaha baarlamaanka waxaa uu la saftay madaxtooyada

by admin | Tuesday, Sep 8, 2015

Muqdisho : HN :– Wali waxaa taagan buuq siyaasadeedka ka dhashay mooshinkii xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya u gudbiyeen guddoonka baarlamaanka kaa oo ka dhan ahaa madaxweyne Xassan Sheekh, waxaadna moodaa in hadda xildhibaannadu eedeyn ballaaran u jeedinayay guddoonka baarlamaanka.

Xildhibaan C/raxmaan Xoosh Jabriil oo horey u soo noqday wasiirkii dastuurka dowladda Soomaaliya, ayaa ku eedeeeyayxoosh guddoomiyaha baarlamaanka in uu ka baxay dhax-dhaxaadnimadii looga fadhiyay, islamarkaana ku dhax milmay siyaasada madaxtooyada.

”Marka hore haddii aan waajibaadka guddoomiyaha sheegno waa in uu noqdo dhax-dhaxaad marka ay jiraan doodaha noocan oo kale ah, islamarkaana maro oo kaliya habka uu sharciga u ogolaanayo, laakiin haddana waxaa noo muuqata in uu garab yahay oo uu la saftay dhinaca madaxtooyada” ayuu yiri xildhibaan C/raxmaan Xoosh Jabriil.

Xildhibaannada mooshinka ka keenay madaxweynaha ayaa ku eedeeyay dhinaca kale guddoomiyaha in uu ka gaabiyay in uu la cag jiidayo in mooshinka loo gudbiyo maxkamad sar si ay xal kama danbeys ah uga gaarto.

Eedeyntan, ayaa imaneysa xili dhawaan guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya uu qoraal ka soo saaray wadada loo marayo xal u helida mooshinka laga keenay madaaxweyne Xassan Sheekh.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!