Xildhibaan Xuseen Bantu oo xalay Muqdisho ku geeriyooday

by admin | Monday, Apr 6, 2015

Muqdisho: HN: — Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo lagu magacaabayay Xuseen Maxamuud Muuse oo ku magac dheeraa Xuseen Baantuu ayaa xalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho, kadib markii mudooyinkii u dambeeyay uu xanuunsanayay.

Xildhibaan Xuseen Baantuu oo dhashay sanadkii 1950-kii ayaa horay xilal uga soo qabtay dowladdihii KMG ahaa, isagoo soo noqday Wasiir kuxigeen.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Xildhibaanka, wuxuuna alle uga baryay inuu jannadii fardowso ka waraabiyo.

Xildhibaanka ayaa la filayaa in maanta la aaso.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!