Xildhibaanada mooshinka waday oo la kala furfuray, kuwa Axmed madoobe taageersan oo ka baxay

by admin | Sunday, Aug 30, 2015

Muqdisho: HN: – Mooshinkii aay wadeen qaar ka mida xildhibaanada baarlamaanka kaasoo la doonayay in xilka looga tuuro madaxweyne Xasan Sh, ayaa waji kale yeeshay kadib markii xildhibaanada qaar aay sheegeen inay isaga hareen sii socodka mooshinka ka dhanka ah madaxweyne Xasan Sh.

Xildhibaanada isaga haray mooshinka ayaa shegay Kadib kulamo iyo tashiyo kala duwan oo ay yeesheen, in xildhibaanada baarlamaanka federaalka ee kasoo jeeda Jubbaland ayaa go’aansadeen in ay ka laabtaan mooshinka xilka looga tuurayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ay horey u saxiixeen.

Kulanka oo ay hormuud ka ahaayeen wasiirka boostada iyo isgaarsiinta Guuleed Cabdiqaasim iyo Dr. Cabdullaahi Warfaa ayaa waxaa la’isku waafaqay in waqtiga u haray madaxweynaha uu aad u yaryahay, mooshinkana uusan ahayn xalka ugu wanaagsan.

“Waxaan guddoonsanay in aan ka shaqayno sidii mudada dhiman waxa wanaagsan loo samayn lahaa, jiho fiicana loo marsiin lahaa qorshayaasha 2016-ka iyo dhismaha dowlad goboleedyada, iyo dib u eegista dastuurka, sidaasi darteed waan ka laabanay mooshinkii aan saxiixnay” ayuu yiri xildhibaan Maxamed Shuuriye.

Mooshinka ayaa waxaa saxiixday 93 xildhibaan taariikhda markii ay ahayd 12-kii bishan Agoosto, iyaga oo madaxweynaha ku eedeeyey in uu ku xadgudbey dastuurka.

“Waxyaabaha madaxweynaha lagu eedeeyey waxbaa ka jira, hase yeeshee xalka ugu fiican ma ahan xil ka qaadis, marka la eego danaha qaranka ee naga lumaya, waxaa habboon in laga wada shaqeeyo sidii lagu hagaajin lahaa waxa dhiman” ayuu yiri xildhibaan kale.

Waxyaabaha tixgalinta yeeshen kama marneyn arrimaha Jubbaland oo ay xildhibaanada sheegeen in danaha Jubbaland iyo sidii loo xasilin lahaa sedexda gobol aysan ka dhex arkin in hadda uu dalka galo qalalaase siyaasadeed oo ragaadin kara horumarka hadda la sameeyey.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!