Xildhibaanada oo dalbanaya in la fasaxo kuraasta la sheegay in doorashadooda lagu laabanayo

by wadani | Monday, Jan 2, 2017

Muqdisho : HN :-Mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay inay diyaarinayaan mooshin cusub oo ay ku dalbanayaan in la fasaxo shan ka mid ah xildhibaanadii lagu soo doortay gobolada dalka.

Xildhibaanada baarlamaanka qaarkood ayaa sheegay inay wadaan qorshe ay ku diyaarinayaan mooshin cusub, haddii baarlamaanka aan loo ogolaan shan xildhibaan.

Xildhibaanada waxay soo jeediyeen inay haboon tahay inaan dib loogu laaban doorashada xildhibaanadaasi, islamarkaana loo ogolaadaa inay kasii mid ahaadaan golaha shacabka Soomaaliya.

Waxay sheegeen in mooshinkooda uusan aheyn mid wax duminaya, balse ay doonayaan in xildhibaanada aan marnaba laga reebin xubnaha cusub ee gudanaya waajibaadka loo xilsaaray.

Sidoo kale waxay soo jeediyeen in go’aanka xildhibaanadaasi lagu celinayo loo daayaa baarlamaanka cusub, si ay go’aan kaga gaaraan xildhibaanada doorashadooda murunka ka taagan tahay.

Ugu dambeyn waxay sheegeen xildhibaanada in haddii doorashada xildhibaanadaasi lagu laabtaa ay keeneyso dhibaato hor leh.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!