Xildhibaankii ugu horeeyay doorashada xubnaha aqalka hoose ee gobollada W/qooyi

by wadani | Wednesday, Nov 30, 2016

Muqdisho : HN :- Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee baarlamaanka Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawad ayaa ku guuleystay Kursiga ugu horeeyay ee Aqalka Xildhibaanada Gobolada waqooyi, kaddib doorasho goor dhow ka dhacday magaalada Muqdisho.

Mahad Cawad ayaa helay 50 cod, kursiga aqalka Hoose ee Beeshiisa, iyadoo Musharax kale ee la tartamayay oo lagu magacaabo Xasan Maxamed Nuur oo helay 1 cod.

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka dadban Avv. Cumar Dhagey oo doorashada goob joog ka ahaa ayaa sheegay in kursigii u horeeyay ee kuraasta ay ku tartamayaan Xildhibaanada Gobolada waqooyi lagu doortay magaalada Muqdisho.

Xildhibaan Mahad Cabadala Cawad oo ka hadlay goobtii lagu doortay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in loo doorto Kursigii u horeeyay ee Xildhibaanada waqooyi ee doorashadooda ka dhaceyso magaalada Muqdisho.

Doorashada oo hada ka socota Xarunta Gaadiidka Booliska ee degmada C/casiis ayaa waxaa goor dhow la dooranayaa saddex kursi oo ah Xildhibaanada Beelaha Banaadiriga ah.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!