Xildhibaankii ugu horeeyay ee beellaha Banadiriga oo la doortay

by wadani | Wednesday, Nov 30, 2016

Muqdisho : HN :-Waxaa goor dhaw ku soo baxay doorasho ka socta magaalada Muqdisho xildhibaankii ugu horeeyay ee beellaha Banaadiriga oo loo doortay  Khaalid Mocow C/qaadir oo ka mid noqonaya Xildhibaanada cusub ee Aqalka Hoose.

Kursigan Beesha reer Faqi ee Beelaha Banaadiriga ayaa waxaa ku tartamayay Musharaxiinta kala ah Khaalid Mocow C/qaadir iyo Shariif Maxamed Siidii oo 12-kii sano ee la soo dhaafay kursiga ku fadhiyay.

Doorashadan oo aheyd mid xiiso leh ayaa 29 cod waxaa ku guuleystay Khaalid Mocow C/qaadir, halka Shariif Maxamed Siidii uu helay 21 cod, waxaana codeynayay 50 ergo, iyadoo hal ergo uu goobta ka maqnaa.

Guddoomiyaha degmada Shingaani C/qaadir Maxamed C/qaadir oo ka mid ahaa Musharaxiinta Kursigan ayaa goor dambe ku dhawaaqay inuu ka tanaasulay.

Ugu danbeyntii, xarunta gadiidka booliiska oo ay ka dhaceysay doorashadan ayaa ammaankeeda aad loo adkeeyay, iyadoo dowladda ayaa xiray waddooyin badan, waxaana la filayaa in maalmaha soo socda la guda galo doorashada xubnaha Labada aqal ee beelaha Dirta Waqooyi.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!