Xildhibaannad Fowsiyo” waa in baarlamaanka waqtiga loo kordhiyaa…

by admin | Tuesday, Jul 21, 2015

Muqdisho : HN :–Mid ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya xildhibaan Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa markii ugu horeysay ka dhawaajisay in muddo kordhin loo sameeyo baarlamanka hadda jira ee Soomaaliya.

Fowziyo Yuusuf oo horay u soo noqotay Ra’iisul Wasaare kuxigeen iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa sheegtay in waqtiga haatan u haray dowladda oo aad u yar, howl badana ay u yaallaan aysan suura geli karin in mudadaas harsan wax badan lagu qabto.

“Si aan dalka dhowr sano dib ugu dhicin waa in Baarlamaanka muddo yar la siiyaa, oo waqtiga loo kordhinyo”ayay tiri Xildhibaanada ooXildhibaan-620x264 la hadleysay Idaacada Risaala.

Sidoo kale waxaa xustay si dalka loogu diyaariyo shuruucda looga baahan yahay in doorasho dalka uga dhacdo ay lagama maarmaan tahay in muddo kordhin la sameeyo.

“Lix bilood xataa ha noqoto ama 12-bilood ha noqoto muddo yar la siiyo Baarlamaanka oo ay ku dhameeyaan howshan, baarlamaanka saddex sano la soo tababaray,wuxuu yaqaanaa shuruucda sida loo dejiyo, tababaro ayay dibada u tageen waxay u baahan yihiin inaan la kala daadin, oo aan la tuurin”ayay tiri Wasiiraddii hore ee Arrimaha Dibada Soomaaliya.

Waxaa kaloo ay intaa ku darrtay in aan loo arkin inay xil doon yihiin, ama in kursiga ku sii dhegenaan, balse ay ku jirto danta dalka in Baarlamaanka waqtiga loogu daro, maadaama aanay doorasho dalka ka dhici karin.

Madaxda dowladda iyo Beesha Caalamka ayaa dhowr jeer ku cel celiyay in aanay waqti kordhin jiri doono, waxaana ay rajo ka muujiyeen in sanadka 2016 ay dalka doorasho ka dhacdo.

Hal sano ayaa u haray jiritaanka Baarlamaanka hadda shaqeynaya oo la soo doortay Agosto sanadkii 2012, waxaana lagu wadaa in shir dhamaadka bishan ka dhici doona magaalada Muqdisho looga hadlo aayaha Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana jira guux badan oo ku aadan in la kala dirayo.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!