Xildhibaannada aqalka sare oo eedeyn u jeediyay xukuumada

by wadani | Monday, Sep 11, 2017

Muqdisho : HN :-Senator Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan oo ka mid ah Mudanayaasha Aqalka sare ayaa ku dhaliilay Xukuumadda Soomaaliya inay cadaadis iyo is hor-taag ku sameysay Aqalka Sare, si loo baajiyo kulankii Aqalka Sare ay kaga doodi lahaayeen arrinta C/kariin Qalbi Dhagax.

Maxamed Amiin ayaa sheegay in fara gelin badan ay sameysay Xukuumadda, si loo hor-istaago kulanka maanta, isagoo xusay in xataa Xildhibaanada qaar hanjabaad loo jeediyay.

“Waxaa dhacday in is hor-taag iyo cadaadis la sameeyay, fara gelin xukuumadda u sameysay arrintaas ayay u baaqatay, waxaa ognahay maanta illaa xalay madax dowladda ka tirsan iyo maamul goboleedyada ay dadka soo wacayeen oo hanjabaad la isku darayay kulanka maanta”ayuu yiri Senator Maxamed Amiin.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Xukuumadda ay sameysay isku daygii ay ku hor-istaagtay shaqadii Golaha shacabka, tan Aqalka Sarena ay dooneyso inay sidaas oo kale sameyso.

Waxaa uu sheegay in Golaha Aqalka Sare looga fadhiyo inuu ka hadlo masiirka dalka, isla markaana umadda Soomaaliyeed ka sugeyso in doorkiisa ka soo baxo sida uu yiri.

Dhinaca kale Senator Jawaahir Axmed Cilmi ayaa oo ka mid aheyd Mudanayaashii taageersanaa in ajandaha dib loo dhigo ayaa sheegtay in ujeedka aanu aheynin ajandaha aanu Aqalka ka doodin, balse loo baahan yahay marka Golaha shacabka ka soo gudbo in Aqalka sare ka doodaan.

Xukuumadda Kheyre ayaa wada galaan gal aad u xooggan oo ay ku aadan sidii Labada Gole ee Baarlamaanka aanu u diidi laheyn go’aankii ay dhowaan ka gaareen dhiibiddii C/kariin Qalbi Dhagax, iyadoo adeegsaneysa farsamo kasta oo ay ugu hortageyso cadaadiska Baarlamaanka.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!