Xildhibaannada baarlamaanka Galmudug oo ansixiyay xubnaha gollaha wasiirrada

by admin | Monday, Aug 31, 2015

Cadaado : HN :–Xildhibaannada baarlamaanka Galmudug ayaa si Rasmi ah u Ansixiyay maanta Golaha Wasiirrada Cusub ee Maamulkaas oo uu Toddobaadkaan soo magacaabay Madaxweynaha Galmudug, C/kariin Xuseen Guuleed.

Wasiirradii cusub ee Maammulka Galmudug oo tiradoodu tahay 52 xubnood oo kala ah 24-wasiir, 24-wasiir ku xigeen iyo afar wasiir u dowle, ayaa waxaa ku jira xubno ka socda maamulka Ahlusunna oo dhawaan Maamulka Galmudug uu la saxiixday Heshiis Awood-qaybis ah.Xildhibaannada_Galmudug_Ansixin_660

Xildhibaannada baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa Ansixiyay Xukuumadda Kaddib markii Wasiirka Madaxtooyada Mamulkaas uu baarlamaanka hortiisa ka akhriyay Qorshaha Xukuumadda Cusub ee Galmudug ay ku howlgeli doonto.

Kulanka baarlamaanka  Galmudug oo ahaa goob-joog ka ahaayeen 69 xildhibaan; ayaa 66-xildhibaan oo ka mid ah waxay codkooda siiyeen xukuumadda, halka saddex xildhibaan oo kala ahaa; Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo labadiisa ku xigeen aysan codkooda dhiiban.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed oo ansixinta golihiisa wasiirrada kaddib hadal jeediyay ayaa sheegay xildhibaanada Galmduug uga mahad-celiyay ansixinta Wasiirrada, isagoo Wasirrada codka la siiyayna kula dardaarmay inay la yimaadan shaqo wanaagsan.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!