Xildhibaannada baarlamaanka oo cod aqbaliyad ah ku ansixiyay ra’iisal wasaaraha cusub

by admin | Wednesday, Dec 24, 2014

Muqdisho : HN :– Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa goor dhow cod aqlabiyad leh ku ansixiyay ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, kadib markii uu maanta hortagay baarlamaanka.

Ilaa 224 xildhibaan oo kulanka soo xaadirtay ayaa 218 xildhibaan ay cod gacan taag ah ku ansixiyeen ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid, iyadoo xildhibaano banaanka ku maqnaa la geliyay booska cida ka aamustay, mana jirin cid diiday.

Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid oo markii labaad xilka ra’iisul wasaare qabanaya ayaa laga sugayaa inuu soo dhiso& gole wasiiro ah, sida uu qabo sharciga muddo sodon cisho ayuu heystaa inuu xukuumad ku soo dhiso, isla markaana uu horkeeno Baarlamaanka.

Intaasi kadib ra’iisul Wasaaraha ayaa markii uu helay codka kalsoonida ayaa lagu hor dhaariyay xildhibaanada Baarlamaanka hortooda, iyadoo goob joog ka ahaa nadaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud.

Ra’iisal wasaaraha maanta ay aqbaleen mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa noqonaya ra’iisal wasaarihii saddexaad oo mudo ka yar Labo sano la soo magacaabo, kaddib khilaaf adag oo soo kala dhax-gallay madaxweyne Xassan Sheekh iyo labadii ra’iisal wasaare ee ka horeeyay kan maanta codka aqbaliyad ah hellay kuwaa oo kala ahaa Cabdi Faarax Shirdoon Saacid iyo Cabdiwali Sheekh Axmed Max’ed.

Lamana oga sidda labada sanno ee ka dhiman dowladda hadda jirta u sii wadda shaqeyn doonaan madaxweyne Xassan Sheekh iyo ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!