Xildhibaannada baarlamaanka oo cod aqlabiyad ah ku ogolaaday mooshinka ka dhanka ah B Jubba

by admin | Saturday, Jun 6, 2015

Muqdisho : HN :–Mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ugu dambeyn cod u qaaday mooshinkii ka dhanka ahaa dhismaha Baarlamaanka Jubba, iyagoo sharci darro ka dhigay dhismaha Baarlamaanka Jubba oo horay cabasho badan uga timid.

Fadhiga xildhibaannada oo ku furmay jawi degan ayaa markii la guda galay ajandaha, isla markaana Guddoonka amray in la tiriyo tirada Xildhibaanada fadhida, si cod loogu qaado mooshinka ayaa buuq ka dhashay, waxaana markii hore tirada soo xaadirtay ay ahaayeen 150.

Laakiin waxaa goor danbe isaga baxay fadhiga xildhibaanadii ka soo horjeeday mooshinka, waxaana ay taas dhalisay buuq.Xildhibaannada_baarlamaanka_Somalia

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Baarlamaanka oo shir guddoominayay kulanka ayaa howl wadeenada ku amray inay saf saf u tiriyaan, waxaana markii dambe la shaaciyay inay joogaan 142 Xildhibaan, kuwaasoo markii dambe cod gacan taag ah u qaaday mooshinka.

132 Xildhibaan ayaa u codeysay mooshinka inay taageersan yihiin, halka afar Xildhibaan ay diiday, lix Xildhibaan ka aamustay, sidaas uu Guddoonka ku shacaiyay in mooshinka uu ansax yahay.

Fadhiga ayaa wixii markaas ka dambeeyay sawaxan iyo sacab isu bedelay, iyadoo Xildhibaanada taageersanaa mooshinkana ay isu hambalyeynayeen, markii uu guddoonka ku dhawaaqay natiijada codeynta.

Ilaa iyo hadda lama oga jawaabta ka iman doonta maamulka Jubba, mdaama baarlamaanka federaalka uu sharci darro ka dhigay dhismaha Baarlamaanka Jubba iyo qaabkii loo soo xulay oo ay horay uga timid cabasho xoogan.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!