Xildhibaannada baarlamaanka oo diiday codsi uga yimid ra’iisal wasaare Shama’arke

by admin | Thursday, Jan 15, 2015

Muqdisho : HN :– Kulan maanta magaalada Muqdisho ay ku yeesheen mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayeey si cad loogu gacan-seyray dalab uga yimid xildhibaannada ra’iisal wasaare Sharma’arke oo dalbaday in dib loo dhigo waqtiga loo qabtay in xukuumadiisa ay hortagto baarlamaanka oo ah maalinta Sabtiga ah.

Ra’iisul wasaraha Soomaaliya, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa dalbaday in xilliga xukuumaddiisau u horkeenayo baarlamaanka laga dhigo Isniinta oo ay bishan ku beegan tahay 19-ka, iyadoo guddoonka baarlamaanku Somalia ay go’aan ku gaareen in 17-ka bishan oo Sabtid ah la horkeeno xukuumadda golaha baarlamanka Somalia.

Xildhibaannada ayaa markii hore buuq ka keenay warqadda uu ra’iisul wasaaraha Somalia u soo gudbiyay baarlamaanka20141224635550079429763030IMG_2060 Somalia, waxaana qaarkood ay dalbanayeen in codka loo qaado isla maanta, halka kuwa kalena ay ku baaqayeen in la tix-geliyo codsiga ra’iisul wasaaraha, waxaana kala qaybsanaantaas ay keentay in guddoonka uu ku dhawaaqo in dood la geliyo, codna loo qaado.

Doodda xildhibananadu ay yeesheen ayaa soo gaartay gellinkii dambe ee maanta iyadoo 120-xildhibaan ay diideen codsiga ra’iisul wasaaraha, halka 57 xildhibaan ay ogolaadeen, balse guddoonka baarlamaanka ayaa si cad u sheegay in xukuumadda cusub la horkeenayo baarlamaanka Sabtida soo socota.

Intaas kdadib gudoomiyaha baarlamaanka Somalia, Maxamed Sh. Cismaan Jawaari ayaa si deg-deg ah fadhiga uga qaybgalay, iyadoo kulanka uu shir-gudoominayay guddoomiye ku-xigeenka labaad ee baarlamaanka Somalia, Mahad Cabdalla Cawad.

Ra’iisul wasaaraha iyo wasiirradiisa ayaan la ogeyn inay codka heli doonaan iyo in kale, iyadoo maalinta Sabtida ah ay noqotay maalinta xukuumadda cusub la hor-keeni doono baarlamaanka Soomaaliya.

Ugu danbeyntii xildhibaannada baarlamaanka Somalia ayaa si weyn ugu kala aragti duwan xukuumadda cusub ee uu soo dhisay ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid, taasoo ay ka dhex-muuqdaan wasiirradii hore.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!