Xildhibaannada baarlamaanka oo ka doodaya jiheynta siyaasada dalka

by admin | Wednesday, Aug 5, 2015

Muqdisho : HN :–Mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya maanta Muqdisho ku yeeshay kulan ay kaga doodeen siyaasadda ugu haboon ee loo jiheynayo geeddi socodka sanadka 2016ka.

Billowga kulanka Baarlamaanka waxaa Xildhibaannada loo Akhriyey qoraal ka soo baxay xafiiska Habdhowrka golaha Shacabka kaasisomali-parliament-mogadishu-620x330 oo gebi ahaanba lagu joojiyey in la bixiyo fasaxa Xildhibaannada mudada ka harsan xiritaanka Kalafadhiga 6aad ee Baarlamaanka, waxaana qoraalkaasi Xildhibaannada u Akhriyey Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka Mudane Cabdikariin Xaaji Cabdi (Buux).

Markaasi kaddib  Xildhibaannada Baarlamaanku wxa ay Gudagaleen dhageysiga warbixin uu Guddi hoosaadka Baarlamaanka u qaabilsan ka soo talabixinta siyaasadda ugu haboon ee loo jiheynayo geedi socodka 2016ka ka soo diyaariyey shirkii heerka sare ee Madaxda Soomaaliya iyo beesha caalamka ee 29kii-30kii July lagu qabtay magaalada Muqdiso waxaana warbixintaasi Xildhibaannada ka hor akhriyey Xildibaan C/risaaq
Cusmaan Jurile, ayadoo guddigaasina ay warbixintooda kusoo dareen tallooyin ay Baarlamaanka u jeedinayaan.

Xildhibaannada Baarlamaanka ayaa warbixintaasi kaddib billaabay iney ka doodaan siyaasadda ugu haboon ee loo jiheyn karo geeddi socodka 2016ka, waxaana Mudaneyaasha Baarlamaanka qaarkood ay muujiyeen lagama maarmaan nimada in la helo wadatashi ballaaran oo la xiriira nooca doorashada dalka ka dhaceysa marka la gaaro sanadka 2016ka.

Ku simaha Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ahna Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee golaha  Jeeylaani Nuur Iikar oo shirka Guddoominayey ayaa gebagebadii kulanka Xildhibaannada ku wargeliyey in maalinnimada sabtiga ah in ay  u diyaar garoobaan akhirnta Seddexaad ee Hindise Sharciyeedka Xeerka Isgaarsiinta Qaranka,

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka mid ah hay’adaha dasuuriga ah ee hadda jira ee looga fadhiyo iney tallooyin ka yeeshaan sida dalkaan ay doorasho uga dhici laheyd sanadka 2016ka.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!