Xildhibaannada baarlamaanka oo la faray in aysan ku dhax-milmin khilaafka madaxda sare

by admin | Saturday, Nov 8, 2014

JawaariSomali_PM_SpeakerMuqdisho : HN :–Pro Max’ed Cismaan Jawaar guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta si kala gooni-gooni ah ula kulmay xildhibaanada kala taageersan madaxweynaha Somalia iyo ra’iisul waasarihiisa, isagoona ka dhageystay fikradahooda.

Xildhibaan ka tirsan kuwa taageersan ra’iisul waasaraha Somalia ayaa sheegay kulan uu guddoomiyuhu la qaatay inuu gacan ka hadal ka dhicayo baarlamaanka haddii la horgeeyo mooshinka laga keenay ra’iisul wasaaraha, isagoo Jawaari ka dalbaday in la joojiyo mooshinka.

Sidoo kale, guddoomiyaha ayaa la kulmay xilhibaannada madaxweynaha taageersan, isla markaana mooshinka ka keenay ra’iisal wasaraha, kuwaasoo guddoomiyaha kula taliyay inuusan marnaba xeerarka u yaalla baarlamaanka ka tallaabsan, mooshinkan ay ka keeneen ra’iisul wasaaraha uu yahay mid ay xaq u leeyihiin.

Intaa kaddib, Jawaari ayaa xildhibaanada kala taageersan madaxda dalka ku wargeliyay inay faraha kala baxaan khilaafka madaxweynaha iyo ra’iisul wasaarihiisa u dhexeeya, isla markaana ay gutaan waajibaadkooda shaqo.

“Xildhibaannada baarlamaanka Somalia ee sharafta leh waxaan kula talin lahaa inay faraha kala baxaan khilaafka u dhexeeya madaxda dalka oo ay xoogga saaraan sidii ay waajib-kooda u gudan lahaayeen, howlaha horyaalla baarlamaanka u dadajin lahaayeen,” ayuu yiri Jawaari.

Hadalka guddoomiyaha baarlamaanka iyo kulammada uu la yeeshay qaar ka mid ah xildhibaannada kala taageersan madaxweynaha iyo ra’iisul wasaraha ayaa imaanaya iyadoo saaka uu kala fikir duwanaanta u dhexeysa xubnaha baarlamaanka u baaqday kulankii ay yeelan lahaayeen.

Khilaafka madaxda dalka ayaa sare u sii kacayay maalmihii lasoo dhaafay, kaas oo sabab u noqday inay xildhibaannada baarlamaanka u kala jabaan laba garan oo kala taageersan madaxweynaha iyo ra’iisul wasaarihiisa.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!