Xildhibaannada baarlamaanka oo laga hor aqrinayo go’aanka ra’iisal wasaaraha

by admin | Saturday, Jan 17, 2015

Muqdisho : HN :–Mudanayaasha baarlamanka Soomaaliya ayaa maanta la filayaa in loo qeybiyo warqad uu xalay u gudbiyay Gudoonka Baarlamaanka, taasoo uu ku dalbanayo in muddo 14 cisho la siiyo, si uu is bedel ugu soo sameeyo Xukuumadii uu dhowaan soo magacaabay.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ra’iisal wasaaraha uu hortagi doono mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya, isaga oo ka hor aqrin doona xildhibaannada go’aanka uu qaatay, waxaana meesha ka baxaya ansixintii maanta loo balansanaa ee cod u qaadista Xukuumada, kadib markii maalintii Khamiistii ay Xildhibaanada diideen codsi ka yimid Ra’iisul Wasaaraha oo ahaa in 22-ka bishan dib loogu dhigo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xalay u gudbiyay Gudoonka Baarlamaanka warqada uu ku kala dirayo Xukuumadii uu dhowaan640x427xBaaralamanka-Soi.jpg.pagespeed.ic.O2dUUP1Hvq soo magacaabay, isla markaana Xildhibaanada kaga codsanayo in muddo 14 cisho la siiyo, si uu Xukuumad cusub ugu soo dhiso.

“Kulanka Baarlamaanka waa jiraa, sida horay loo qorsheeyay, ra’iisul wasaaraha waxaa laga sugayaa in uu soo bandhigo is bedel la filayo in xukuumada ku timid, waxaa sugeynaa inuu yimaado ama qoraalka la sheegayo in laga hor aqriyo Baarlamaanka”ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Cumar oo saakay la hadlay warbaahinta.

Wararka ku saabsan in Ra’iisul Wasaaruhu ku laabanayo Xukuumadii uu soo dhisay ayaa ahaa mid aad u soo xoogeysanayay tan iyo shalay, si uu meesha uga saaro xubnaha la diidanaa iyo mucaaradadii ku hor-gudbanaa ansixinta Xukuumada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulamo gaar gaar ah la qaatay Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka, kuwaasoo isla gartay soo jeedinta Ra’iisul Wasaaraha ee ahaa in la kala diro Xukuumada, si is bedel loogu sameeyo xubnaha Wasiirada ah.

Ilo ku dhow dhow Xafiiska Madaxweynaha ayaa xaqiijiyay in Madaxweynuhu arrintan uu qaatay, isla markaana isaga iyo Ra’iisul Wasaaraha ay isla og yihiin in dib loogu laabto Xukuumadii la soo dhisay 12-kii bishan.

Arrintan ayaa ka dambeysay markii Ra’iisul Wasaaruhu uu mucaarado xoogan kala kulmay Xildhibaanada Baarlamaanka, kuwaasoo durbaba ka soo horjeestay Xukuumadii uu soo magacaabay, waxaana loo arkaa tallaabada uu qaatay mid uu ku baajinayo in bilowga hore ee Xukuumadiisa cusub ay weyso codka kalsoonida, taasna ay noqoto culeys siyaasadeed uu kula kow-sado barnaamijkiisa Xukuumada.

Waa markii u horeysay ee la sheego in dib loogu noqonayo xukuumad la soo magacaabay inta aan la horkeenin Baarlamaanka, waana arrin ku cusub saaxada siyaasada Soomaaliya.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!