Xildhibaannada baarlamaanka oo loo gudbiyay sharciga xaquuqda madaxda dalka

by admin | Wednesday, Nov 18, 2015

Muqdisho : HN :–Mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa loo qaybiyay maanta mashruuc la xiriira xuquuqda mas’uuliyiinta xilka ka taga ama geeriyooda iyagoo xilalka haya, iyadoo loo akhriyay hidise sharciyeedka maal-gashiga shisheeyaha.

Xildhibaannada ayaa ugu horeyn ayaa dhageystay aqrintii saddexaad hindisKulanka-Baarlamaanka-soomaaliya-allsomali24-come-sharciyeedka maal-gashida shisheeye, kaasoo kulankii koowaad ee kal-fadhigan maraya akhrinta labaad.

Sidoo kale, waxaa la qaybiyay sharci ku saabsan xuquuqda ay yeelanayaan siyaasiyiinta dowladda federaalka ah. Mashruucan ayaa waxaa soo diyaariyay guddiga xeer-hoosaadka, anshaxa, xasaanadda iyo daryeelka xildhibaanada baarlamaanka.

Sharcigan ayaa wuxuu ka hadlayaa xuquuqda ay leeyihiin madaxweynayaasha xilka ka fariistay, kuwa xilka caafimaad darro awgeed uga fariistay, carruurta madaxweynaha geeriyooday, isagoo xil haya, afadiisa, xuquuqda xildhibaanada, guddoomiyeyaasha labada aqal iyo haddii ay carruur iyo xaasas ka tageen.

Dhinaca kale, waxaa kaloo uu ka hadlayaa xuquuqda ra’iisul wasaaraha xilka ka tagay ama geeriyooday, ku xigeennadiisa, guddoomiye ku xigeennada baarlamaanka, carruurtooda iyo haweenkooda, xildhibaannada, wasiirrada iyo dhamaan xuquuqda siyaasiyiinta dalka.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!