Xildhibaannada baarlamaanka oo maanta la horgeynayo gollaha wasiirrada cusub

by admin | Saturday, Jan 31, 2015

Muqdisho : HN :– Gollaha wasiirrada uu dhawaan soo magacaabay ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa maanta la horgeynayaa golaha baarlamaanka FS, iyadoo la filayo in madaxda dalka ay kulanka maanta ka qaybgalaan.

Xukuumada cusub ee maanta lagu waddo in ay hortagto baarlamaanka ayaa waxay ka kooban yihiin 20-wasiir, iyadoo weli aan lasoo magacaabin ku xigeennadii iyo wasiir u dowlayaashii.

Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh ayaa lagu wadaa in uu kulanka ka qaybgalo, isagoo soo gaabiyay safarkiisii Addis Ababa ee uu kaga qayb-galayay shirka ururka Midowga Afrika oo maanta lasoo gaba-gabeyn doono.

Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa la filayaa inay si aad ah uga doodaan xil-dhibaannada, kaddibna ay codka kalsoonida ah uKulan_Dhallinyarada_&_Baarlamaanka_1 qaadaan isla maanta, inkastoo aan la ogeyn sida ay natiijada codeyntu noqon doonto.

Bartamihii bishan ayay ahayd markii ra’iisul wasaare Sharma’arke uu kala diray golihiisii wasiirrada ee uu soo magacaabay, kaddib markii uu sheegay inuu u arkay inaysan baar-lamaanku codka kalsoonida ah siin doonin.

Wasiirradii hore ee la kala diray ayay tiradoodu ahayd 60, iyadoo wasiirrada cusub ay intooda badan yihiin kuwo cusub oo aan siyaasadda dhawaanahan ku lug lahayn, marka laga reebo dhowr wasiir oo ka mid ahaa wasiirradii la kala diray.

Si kastaba ha haatee, golaha wasiirrada cusub ee 20-ka xubnood ah ayaa 27-kii bishan waxaa magacaabay ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid, iyadoo xildhibaannada baarlmaaankuna ay intooda badan soo dhaweeyeen.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!