Xildhibaannada baarlamaanka oo saakay ka doodaya mooshinka ka dhanka ah RW Cabdiwali

by admin | Thursday, Dec 4, 2014

Muqdisho : HN :–Mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya  ayaa lagu wadaa inay maanta kulankooda kaga doodaan mooshinka ka dhanka ah ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Sheekh Axmed Maxamed iyo xukuumaddiisa.

Mudane Maxamed Cumar oo ka mid ah xubnaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa u sheegay warbaahinta in kulanka maanta ajanadahiisu uu yahay ka doodista mooshinka laga soo gudbiyay xukuumadda, kaasoo uu xusay in Sabtida soo socota codka loo qaadi doono.

“Ajandaha kulanka maanta ee baarlamaanka waa in laga doodo mooshinka ka dhanka ah xukuumadda Soomaaliya, kaasoo horay ay xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka u soo gudbiyeen, labada gellin ee maantana waa la shaqeyn doonaa,” ayuu yiri xildhibaan Maxamed Cumar.

Sidoo kale, mudanaha ayaa sheegay in kulanka maanta laga akhrin doono magacyada xildhibaannadii mooshinka soo gudbiyay, markaasxildhib kaddibna la billaabi doono in xildhibaannadu ay ka doodaan mooshinka si xildhibaan walba uu aragtidiisa uga dhiiibto mooshinka.

Waddooyinka soo gala xarunta baarlamaanka Soomaaliya ayaa aad loo adkeeyay, iyadoo kulankan uu imaanayo kaddib markii kulammo dhowr ah oo looga hadli lahaa mooshinka ay fashil ku dhammaadeen, kaddib buuq ay sameeyeen xildhibaannada kasoo horjeeda mooshinka ka dhanka ah RW C/weli iyo xukuumaddiisa.

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Sh. Cismaan (Jawaari) ayaa maalin ka hor sheegay in mooshinka uu ku wargeliyay ra’iisul wasraare C/weli, isla markaana uusan la dhaafi doonin maalmaha Sabtida ah ee soo socota, taasoo loo asteeyay maalinta codka loo qaadayo.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!