Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya oo loo qeybinayo mooshinka ka dhanka ah RW

by admin | Saturday, Nov 15, 2014

Muqdisho : HN :–Mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa mar kale maanta lagu waddaa in loo qeybiyo mooshinka ka dhanka ah ra’iisal wasaare C/wali, kaddib markii fadhigii kan ka horeeyay uu baarlamaanku la socon waayay buuq iyo sawaxan ay dhigeen xildhibaannada ka soo horjeeda mooshinka.

Gudoonka Baarlamaanka ayaa xalay ku dhawaaqay in maanta oo Sabti ah ay dib u bilaabanayaan kulamada Baarlamaanka, iyadoo laga yaabo in ciidamo la geeyo gudaha xarunta golaha shacabka, si ay u kala xakameeyaan Xildhibaanada.

Wadooyinka qaar ayaa la xiray, gaar ahaan wadada hor marta Xarunta Golaha shacabka, halkaasoo lagu arkayo ciidamo isugu jira Boolis iyo Nabadsugid, si ay ammaanka u xaqiijiyaan.

Xildhibaan Maxamed Cumar oo ah Xoghayaha Gudiga xeer hoosaadka Baarlamaanka ayaa sheegay in ajandaha shirka uu yahayxildhib mooshinka ka dhanka ah Xukuumada uu hogaamiyo Ra’iisul Wasaaraha.

“Maanta ayuu shirkii Baarlamaanka bilaabanayaa, ajandahaha waxaa ku jira mooshinkii laga keenay Xukuumada, waxaana Xildhibaanada loo qeybinayaa mooshinkaas”ayuu yiri Maxamed Cumar.

Xeer hoosaadka Baarlamaanka ayaa qaba in xildhibaankii fowda ama buuq kiciya laga saaro goobta, waxaana suura gal ah in Gudoonka uu qaato tallaabooyinkaas, kadib markii uu dhowaan ku hanjabay inuu tallaabo adag ka qaadayo Xildhibaanadii buuqa kiciyay.

Mudanayaasha Baarlamaanka ayaa ku muransanaa mooshinkan, waxaana Xildhibaanada taageersan Ra’iisul Wasaaraha ay ku tilmaamay inuu yahay mid sharci daro ah, halka kuwa taageersan Madaxweynaha ay qabaan in mooshinkan uu sharci yahay, maadaama Xukuumada ay ku fashilantay waxyaabihii loo igmaday.

Si kastaba ha ahaatee marka Xildhibaanada loo qeybiyo mooshinkan ayaa shan cisho kadib ay ka doodi doonaan, sida uu qabo xeer hoosaadka marka mooshin la keeno, waxaana la ogeyn sida xaal noqon doono, iyadoo wali uu taagan yahay khilaafka Madxaweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha.

Hiiraan Net.a

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!