Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya oo maanta yeellanaya kulan isha lagu wadda hayo

by admin | Monday, Nov 24, 2014

Muqdisho : HN :– Waxaa lagu waddaa in goor dhaw oo maanta ah uu ka furmo xarunta gollaha shacabka kulan iska lagu wadda hayo oo ay yeellanayaan xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya, kaasoo sidda la sheegay la fillayo in maanta loogu qeybiyo xildhibaannada mooshinka ka dhanka ah ra’iisal wasaaraha.

Waxaa siweyn loo xoojiyay ammniga xarunta gollaha shacabka waxaa la dhigay dhamaan jidadka galla xarunta gollaha shacabka ciidammo& aad u hubeysan loogu talagalay in ay sugaan ammniga xarunta , siddoo kalana waxaa la diyaarinayaa ciidammo kale oo gaar ah oo la dhigayo gudaha xarunta si looga hortago rabashado iyo buuq ka dhasha kulanka maanta.

Lama oga sidda xaalku maanta noqon doono madaama xildhibaannada iska soo horjeeda ee kala taageersan madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha dhinac walba uu wacad ku maray in tooda la yeelli doono.

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa isha lagu hayaa sidda uu u mareyn doono kulanka maanta, waxaana uu Jicmihii aynu soo dhaafnay uu sheegay in aan la aqbali doonin buuq iyo fowdo danbe.

Wixii ka soo kordha kala socon Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!