Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya oo warbixin ka dhageysanaya guddiga difaaca

by admin | Wednesday, Aug 26, 2015

Muqdisho : HN :–Mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta warbixino ka dhageysanaya Guddiyada difaaca iyo Maaliyada, kaasoo ku aadan howlihii u dambeeyay ee ay qabteen.Kulanka-Baarlamaanka-soomaaliya-allsomali24-com

Hab dhowraha Baarlamaanka Xildhibaan Maxamed Cumar Maxamuud ayaa sheegay in kulanka Baarlamaanka ee maanta uu hor-yaallo ajandayaal dhowr ah.

“Guddiga maaliyadda ayaa loo xilsaaray inay ka soo warbixiyaan dib u eegista miisaaniyada, laga soo bilaabo ilaa iyo Janaayo, marka dhankooda warbixin ayaa laga dhageysan doonaa”ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Cumar.

Warbixinta Guddiga difaaca laga dhageysan doono waxaa ka mid ah waxyaabihii dhowaan ka dhacay dalka, sida tacadiyadii ay gobolada dalka ka geysteen Ciidamada AMISOM.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhowaan isku raacay in aan la soo xirin kalfadhiga lixaad, inta laga maareynayo mooshinka laga keenay Madaxweynaha.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!