Xildhibaannada diidan mooshinka oo soo dhaweeyay go’aankii guddoomiyaha baarlamaanka

by admin | Tuesday, Nov 25, 2014

Muqdisho : HN :– Durbaba waxaa soo baxaya sii kala fogaasho ka dhax abuurmeysa xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ee ku kala aragtida duwan mooshinka ka dhanka ah ra’iisal wasaare C/wali Sheekh Axmed Max’ed, ,kaddib war saxaafadeedkii ka soo baxay xafiiska guddoonka baarlamaanka.

Pro Max’ed Cismaan Jawaari. ayaa war-saxaafadeed ku sheegay in marnaba aan la guda-galli karin mooshinka ka dhanka ah RW inta barlamaanku kala taagan yahay, hasse ahaatee marka hore loo baahan yahay in aragtida mudanayaasha baarlamaanka la mideeyo.

Xildhibaannada diidan mooshinka ayaa ku tilmaamay tallaabada uu qaatay guddoomiyaha baarlamaanka mid sax ah oo martay wadadii loo baahnaa, iyaga oo intaa ku darray in arrintaa ama go’aanka guddoomiyaha uu yahay mid meesha kasaaray gacan ka hadal laga yaabo in uu dhaxmari lahaa mudanayaasha baarlamaanka.

Laakiin dhinaca kale marka aad eegto, xildhibaannada mooshinka wadda ayaa sheegay in  Gudoomiyaha Baarlamaanka uu sameeyaybarka_7 afduub, isla markaana uu ka leexday wadadii sharciga aheyd, maadaama Xildhibaano gaaraya ilaa 138 mudane ay mooshin ka keeneen Xukuumada, ayna aheyd in Gudoonku meel mariyo oo uu socodsiiyo.

Go’aan shalay ka soo baxay Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa waxaa lagu joojiyay mooshinka, inta laga xalinayo khilaafka Baarlamaanka, isla markaana Gudoonka uu cadeeyay inay xil ka saaran yahay, jiritaanka, wada jirka iyo xasiloonida Baarlamaanka.

Dhinaca kale Xildhibaanada iska soo horjeeda ayaa kulamo gaar gaar ah uga socday tan iyo xalay Hotelada Muqdisho iyo xarumaha dowladda, iyadoo maanta lagu wado inay kulamo yeeshaan, kana soo saaraan qodobo.

Xiisada siyaasadeed ee Soomaaliya ka jirta ayaa cirka isku sii shareereysa, iyadoo ay saameysay wada shaqeyntii hey’adaha dowladda ka dhaxeysa, waxaana laga cabsi qabaa in khilaafkan taagan inuu weji cusub la soo baxo.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!