Xildhibaannada gollaha shacabka oo maanta kulan ku yeelanaya Muqdisho

by wadani | Wednesday, Dec 6, 2017

Muqdisho : HN :-Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeelanaya xarunta Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho.

Kulankan ayaa wuxuu ajandihiisa uu yahay Akhrinta iyo qaybinta qorshe howleedka Guddiyadda Golaha Shacabka, sida xalay lagu soo wargeliyay xubnaha Golaha Shacabka.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa shir guddoomin kulanka xildhibaanada Baarlamaanka ee maanta.

Shalay magaalada Muqdisho waxaa kulan ku yeeshay Guddiga Joogtada ah ee Baarlamaanka, waxaana la iskula gartay sidii ajendayaal Kooban loogu koobi lahaa kalfadhigan, maadaama howlo badan ay yaalaan.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!