Xildhibaannada ka soo horjeeda mooshinka oo boorar la tagay fadhiga baarlamaanka

by admin | Saturday, Nov 15, 2014

Muqdisho : HN :–Waxaa soo baxaya baqdin laga qabo in mar kale buuq iyo fowdo uu ku soo dhamaado fadhiga baarlamanaka, kaddib markii xildhibaannada ka soo horjeeda mooshinka ay la tageen gudaha fadhiga boorar ay ku qoran yihiin hal ku dhagyo ka dhan ah dhinaca kale ee mooshinka wadda.

Gudoonka Baarlamaanka ayaa wali si rasmi ah u furin, iyadoo xildhibaanada ay goor sii horeysay is diiwaan geliyeen, gaar ahana buuga xaadirka ee kooramka.

Ajandaha kulanka maanta ayaa ah in Xildhibaanada loo qeybiyo mooshinka ka dhanka ah Xukuumada, waxaana muuqata in Xildhibaanadaxildhibaano-3 diidan ay ka soo horjeedaan in aan ajandaha lagu soo darin.

Halku dhigyada ay wataan Xildhibaanada taageersan Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku muujinaya in la bad baadiyo qaranka, “qof ama qaran” iyo halku dhigyo kala duwan oo afka English-ka ku qoran.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan, hase yeeshe Gudoonka Baarlamaanka ayaa looga fadhiyaa inuu maareeyo fadhiga Baarlamaanka, hadii uu buuq bilowdo.

 Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!