Xildhibaannada ka soo horjeeda RW oo Muqdisho ku shiray [Sawirro]

by admin | Sunday, Nov 23, 2014

Muqdisho : HN :–Mudanayaasha baarlamaanka ee mooshinka ka keenay ra’iisul wasaare C/weli Sheekh Axmed ayaa maanta kulan ku yeeshay Muqdisho, kaasoo ay kaga hadleen kulanka berri loo balansan yahay ee baarlamaanka Somalia uu ka yeelanayo mooshinka ka dhanka ah xukuumadda.

Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) oo kulanka kaddib hadlay ayaa sheegay in kulankooda ay kaga haldeen kulanka berri uu baarlamaanku ku yeelan doono Muqdisho, isagoo intaas ku daray in xildhibaannadu ay kala dhageysteen warbixinno mooshinka ku saabsan.

“Kulankeenna wuxuu ku saabsanaa inaan warbixinno kala qaadanno iyo tan labaad oo ah inaan kulanka berri dhacaya aan uga tashan lahayn. Annagu waxaa nahay aqlabiyada baarlamaanka, waxaa nahay xubno u taagan in lagu dhaqmo sharciga dalka… in si deggen oo dimuqraadiyad ah loo maro wax walba oo danta Qaranku ku jirto,” ayuu xildhibaan Maareeye sheegay.

god1

god3Sidoo kale, xildhibaanka ayaa ka hadlay khilaafka iyo heerarka uu soo maray, isagoo xusay inaanu khilaafka ka billaaban wasiir lagu bedelay mid kale uu yahay mid arrimo kale oo muddo soo tixnaa ka dhashay, ayna tahay khasab in xildhibaannadu ay mooshin ka keenaan xukuumadda iyagoo danta Qaranka iyo tan shacabka Soomaaliyeed eegaya.

“Waxaan rabnaa inaan ka jaahil bixinno ummadda Soomaaliyeed in aanu ka billaaban khilaafku wasiir mid kale lagu bedleay, taasna waa mid been ah oo aan jirin. Khilaafka saddex weji ayuu soo maray. Is qab-qabsiga u dhexeeya mas;uuliyiinta dowladda waxay ahayd inay iyagu xalliyaan, balse wuu kasoo wajigii labaad ayuuna yimid, muddo ayaana la isku dayay in la xalliyo balse laguma guuleysan. Waxaana go’aansannay innagoo ah wakiilladii shacabka Soomaaliyeed in khilaafkan aan ku xallinno sharciga dalka u yaalla,” ayuu ku daray hadalkiisa xildhibaan Maareeye.

Mudane Maareeye ayaa ugu baaqay xildhibaannada mooshinka keenay inay si deggen fikirkooda u soo bandhigaan, isla markaana ay xildhibaannada ka soo horjeeda mooshinka u caqli-celiyaan, si mooshinku ugu dhamaado buuq iyo is-qabqabsi la’aan.

god5Xildhibaan C/llaahi Shaacir oo isna hadlay ayaa sheegay inay rajeynayaan in iyadoo la eegayo masiirka dalka iyo kan ummadda Soomaaliyeed maalinta berri ah la kala baxo.

Wasiirro ka tirsan xukuumadda ayaa ku jiray xubnihii maanta Muqdisho ku kulmay; kuwaasoo ay ku jireen; wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka, C/llaahi Goodax Barre iyo wasiirradii ra’iisul wasaaraha u gudbiyay qoraalka ay kaga dalbanayeen inuu xilka ka dago.

Si kastaba ha ahaatee, kulammada iyo dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee ka jira Muqdisho ayaa sii xoogeysanayay maalmihii u dambeeyay, iyadoo koox walba oo ka mid ah garabyada baarlamaanku u kala jaban yahay inay fikirka ay qabto meel-mariso.

god7Kulanka maanta ee xildhibaannada ka soo horjeeda ra’iisal wasaaraha ayaa imanaya xili lagu ballansan yahay maalinta beri ah in la qabto kulanka baarlamaanka si xildhibaannada loogu qeybiyo moooshinka ka dhanka ah ra’iisal wasaaraha.

god6Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!