Xildhibaannada maamulka Hirshabeelle oo maanta la sheegay in la dhaarinayo

by wadani | Saturday, Oct 8, 2016

Jowhar : HN :-Waxaa maanta markii ugu horeysay lagu xareeyay Hoolka shirarka ee magaalada Jowhar Xildhibaanada cusub ee Maamulka HIRSHABEELLE, oo dhowaan ay soo xuleen Odayaasha dhaqanka ee ka soo jeeda Gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Xildhibaanada cusub ee maamulka labada gobol ayaa maanta la kulmay Guddiga farsamada ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Urur Goboleedka IGAD, iyagoo ka wada hadlay sidii loo sii wadi lahaa shirka looguna gudbi lahaa wajiyada ugu dambeeya.

Inkastoo aan wali si rasmi ah loo shaacin tirada Xildhibaanada ayaa waxaa lagu wadaa in goor dhow la dhaariyo, si ay ula wareegaan howlaha shirka inta ka dhiman, balse waxaa jira beelo aan wali soo gudbin Xildhibaanada u matalaya baarlamaanka labada gobol.

Mudanayaasha baarlamaanka maamulka HIRSHABEELLE ayaa lagu wadaa inuu noqdo Baarlamaan ay ka mid yihiin dumar ka yar dumarka kale ee ku jira golayaasha baarlamaanka maamul goboleedyada dalka ka jira.

Ugu danbeyntii, ilaa iyo hadda  saddex haween ayaa la xaqiijiyay in ay ka mid yihiin Baarlamaanka maamulka labada gobol ee la soo xulay, iyadoo Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Batuulo Sheekh Axmed Gabale oo ku sugan Jowhar ay dadaal ugu jirto, sidii haweenka ay saamigooda uga heli lahaayeen Baarlamaanka labada gobol.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!