Xildhibaannada oo cod u qaadaya mooshinka ka dhanka ah baarlamaanka maamulka Jubba

by admin | Saturday, May 23, 2015

Muqdisho : HN :– Maanta oo Sabti ah ayaa lagu wadaa in cod la galiyo mooshinka ka dhan ah baarlamaanka maamulka Jubba oo ay soo gudbiyeen xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, oo siweyn uga biyo diidan sidda loo dhisay ama loo xulay baarlamaanka maamulka Jubba.

Mudanayaasha mooshinka wadda ayaa kulan maalintii shalay ay ku yeesheen magaalada Muqdisho waxaa ay uga soo horjeesteen dalab uga yimid gollaha xukuumada oo ku aadanaa in dib loo dhigo mooshinka, islamarkaana wixii qaladaad ah ee jira lagu xaliyo hab wadda hadal ah.

Xildhibannada oo la hadllay warbaahinta ayaa uga baaqay xukuumada in aysan soo fara-galin howlaha baarlamaanka, madaama labadaXildhibaannada_baarlamaanka_Somalia hay’adood yihiin kuwo kala madaxbanaan shaqadooduna kala caddahay.

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayeey ugu baaqeen in uu si daacad ah u guddo waajibaadkiisa shaqo iskana daayo udha-nuglaanta baaqa xukuumada.

Ammaanka Xarunta Golaha shacabka ayaa aad loo adkeeyay, iyadoo  la xiray wadada hor marta xarunta golaha shacabka, iyadoo ciidamo ka tirsan dowladda ay jidadka taagan yihiin, waxaana laga celinayaa dadka iyo gaadiidka isticmaala wadadaas.

Lama oga go’aanka uu qaadan doono Baarlamaanka, inkastoo Xildhibaanada Baarlamaanka ay ku kala aragti duwan yihiin.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!