Xildhibaannada Puntland oo aqbalay is casilaadii guddoomiyaha baarlamaanka

by admin | Wednesday, Oct 28, 2015

Garoowe : HN :–Xildhibaannada baarlamaanka dowlad gobolleedka Puntland oo kulan deg deg ah goor dhaw oo maanta ah qaatay, ayaa aqbalay is casilaadii guddoomiyihii baarlamaanka Saciid Xassan Shire.

Fadhiga mudanayaasha baarlamaanka Puntland waxaa shir guddoominayay Gudoomiye kuxigeenka Baarlamaanka Puntland Mudane Cabdixamiid Cabdisalaan, waxa ayna Xildhibaanada guda galeen ka doodista iyo meelmarinta ajandahooda oo ahaa mooshinkii laga gudbiyay Gudoomiyaha Baarlamaanka.

waki_5Xildhibaanada Baarlamaanka Puntiland ayaa laga hor aqriyay mooshinkii 40-ka Xildhibaan ka gudbiyeen Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulkaasi Saciid Xasan Shire , waxaana xildhibaanada cod u qaadeen meel marinta mooshinkaasi , waxaana Ogolaaday 47 muddane halka ay diideen 2 xildhibaan, waxaana codbixinta ka aamusay 1 xildhibaan..

Xildhibaannada ayaa siddoo kale, cod u qaaday  is-casillaadii guddoomiyaha baarlamaanka , waxaana ggolaaday is casilaada Gudoomiyaha 45 xildhibaan halka ay diideen 5 xildhibaan.

Gudoomiye-kuxigeenka baarlamaanka Puntiland Cabdixamiid Cabdisalaam ayaa shaaciyay in Baarlamaanku ay go’aan ku gaareen in xilka ay ka qaadaan Gudoomiyaha Baarlamaanka Md.Siciid Xasan Shire, sidoo kale ay aqbaleen is casilaadiisa.

Arintan ayaa imaaneysa xili saakay uu ku dhawaaqay Gudoomiyihii Baarlamaanka Saciid Xasan Shire, uu saakay ku dhawaaqay in uu iska casilay xilka Gudoomiyaha iyo xubinimadii Baarlamaanka, waxa uuna cadeeyay Gudoomiyaha in mooshin aan sharci aheyn laga gudbiyay sidoo kale inqilaab lagu sameeyay Xarunta Baarlamaanka.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!