Xildhibaannadii dhawaan mooshinka ka keenay ra’iisal wasaaraha oo kulan yeeshay

by admin | Sunday, Nov 9, 2014

Muqdisho : HN :–Mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ee dhawaan mooshinka ka geeyay ra’iisul wasaare, C/weli Sheekh ayaa goor-dhow la filayaa inay ku kulmaan magaalada Muqdisho iyagoo ka hadli doona qaabka ay u wajihi lahaayeen mooshinkan marka ugu horreysa ee ku kulmaan xarunta golaha shacabka.

Warar ayaa sheegaya in xildhibaannadan taageersan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan mooshin ka dhan ah ra’iisul wasaaraha u gudbiyay baarlamaanka Soomaaliya, inkastoo ay socdaan dadaallo lagu doonayo in lagu baajiyo mooshinkan.

Sabtidii shalay ayay ahayd markii guddoomiyaha baarlamaanka uu kulan kula yeeshay xildhibaannada mooshinka ka keenay ra’iisalbaarlamaanka-o2 wasaaraha ee maanta kulanka ku yeelanaya Muqdisho, isagoo kala hadlay in fursad la siiyo dadaallada lagu doonayo in lagu dhexdhexaadinayo madaxda dowladda.

Guddoomiyaha baarlamanka oo xalay warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in la joojinayo mooshinka laga wado ra’iisul wasaaraha, badalkeedana xal lagu dhameynayo khilaafka.

Khilaafka madaxda dowladda Soomaaliya ayaa cirka isku sii shareeraya kaas oo keenay inay xildhibaannada baarlmaanka Somalia u kala qaybsamo laba garab oo kala taageersan Xassan Sheekh iyo C/wali Sheekh.

Muranka siyaasadeed ee madaxda dalka ayaa ka dhashay isbedel kooban oo uu ra’iisul wasaaruhu ku sameeyay golaha wasiirradiisa, tasoo madaxweyne Xasan Sheekh uu ka biyo diiday, isagoo isku shaandheyntaas ku tilmaamay mid aan isaga lagala tashan.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!