Xildhibaannadii ugu horeeyay ee qaatay shahaada aqoonsiga

by wadani | Tuesday, Dec 13, 2016

Muqdisho :HN :-Iyadoo lagu waddo in 15 bishan aynu ku jiro oo maalin kaliya naga xigto furmo kalfadhigii ugu horeeyay ee baarlamaanka cusub, ayeey durbabba bilaabeen xildhibaannada cusub qaadashada kaararka iyo shahaaddada aqoonsiga xildhibaanno.

Xildhibaanada la siiyay shahaadada aqoonsiga maanta ayaa waxaa kamid ahaa Senatarkii ugu horeeyay ee dalka Soomaaliya lagu doorto Abshir Axmed Buqaari oo lagu soo doortay magaalada Cadaado iyo Ilyaas Cali Xasan oo lagu soo doortay magaalada Baydhabo.

Xoghayaha guud ee Baarlamaanka  Soomaaliya Cabdi Kariin Xaaji Cabdi  Buux ayaa xaqiijiyay in la bilaabay bixinta shahaadooyinka iyo kaararka aqoonsiga xildhibaanada labada aqal ayna maanta bilaabeen senatarada Aqalka Sare.

Hase yeeshee Senatarada Aqalka Sare iyo Xildhibaanada Aqalka Hoose ee lagu soo doortay magaaloyinka Garowe iyo Kismaayo ee maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaan imaan magaalada Muqdisho.

Cabdkariin Xaaji Cabdi ayaa ugu baaqay senatarada iyo xildhibaanada inay magaalada Muqdisho soo galaan si ay u qaataan shahaadooyinka iyo kaararka aqoonsiga.

shahaado

Dhowaan ayaa kulankii ay yeesheen Madasha Wadatashiga waxa ay ku soo saareen qariirad kale oo ah doorashada guddoomiyaha baarlamaanka iyo Madaxweynaha dalka Soomaaliya.

Qorshahan ayaa waxa uu yahay mid tilmaamaya in la qabto doorashada Guddoomiyaha baarlamaanka  22-ka bishan halka doorashada  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya  ay dhacayso 28-ka bishan December.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!