Xildhibaanno eedeyn kulul u jeediyay guddoonka baarlamaanka

by admin | Saturday, Jan 31, 2015

Muqdisho : HN :– Kaddib markii maanta uu khudbad ka horjeediyay gollaha shacabka ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, islamarkaana uu ka dalbaday xildhibaannada in la siiyo waqti kale oo dheeraad ah, ayeey mudanayaasha baarlamaanka intooda badan ku eedeeyeen guddoonka baarlamaanka in uu uga baxay xildhibaannada ajnadihii markii hore loo sheegay ee ahaa in codka kalsoonida maanta loo qaadayo xukuumada.

Xildhibaannada qaarkood ayaa sheegay in marnaba wax la aqbali karo aheyn siyaasadaha maldahan ee is daba socda, looga fadhiyo sidda ay hadalka u dhigeen guddoonka baarlamaanka in uu tixraaco ajandaha codna la galiyo kalsooni siinta xukuumada cusub.

Wararka hadda naga soo gaaraya madasha baarlamaanka ayaa sheegay in dood kulul ay galleen xildhibaannada intooda badan diideen codsiga ra’iisal wasaaraha, waxaana intaa kaddib uu guddoomiyaha baarlamaanku cosaday in isaga iyo ku-xigeennadiisa la siiyo 15 daqiiqo oo ay wadda tashi gaar ah ku gallayaan, kaddina fadhiga ku soo laaban doonaan.

Xaalada ayaa wali muuqata mid cakiran, waxaana isha lagu wadda hayaa waxa 15-ka diqiiqo kaddib ka soo bixi doona madasha…

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!