Xildhibaanno goor dhaw lagu dhaawacay magaalada Muqdisho

by admin | Saturday, May 23, 2015

Muqdisho : HN :– Wararka xiligan naga soo gaaraya wadada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in rasaas lagu weeraray gaari ay la socdeen labo xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya kuwaa oo dhaawacyo kala duwan soo gaareen.

Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in gaariga oo marayay wadada Maka Al-Mukarama mar kaliya la huwiyay rasaas culus waxaana weerarka ku dhaawacmay xildhibaan Yuusuf Max’ed Dirir iyo Cabdalla Boos Axmed.

Siddoo kale waxaa weerarka ku dhaawacmay darawalkii ku wadda gaariga labada xildhibaan, hasse ahaatee waxaa la leeyahay waxaagaariga uu dhaawac culus oo gaaray xildhibaan Yuusuf Max’ed Dirir oo laga deyrinayo xaaladiisa.

Goobta uu falka ka dhacay waxaa markiiba gaaray ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya, hasse ahaatee kuma aysan guuleysan in ay qabtaan kooxihii falka ka danbeeyay oo aan heybtooda la aqoonsan.

Weerarada noocan oo kale ah magaalada Muqdisho waa kuwo ku badan, waxaana bilihii ugu danbeeyay jirta in mas’uuliyiinta dowladda iyaga oo la socda gadiid lagu weerarayay.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!