Xildhibaanno iyo siyaasiyiin gaaray magaalada Beledweyne

by admin | Saturday, May 9, 2015

IMG_0128Beledweyne : HN :–Wafdi isugu jiray xildhibaanno iyo siyaasiyiin uu xildhibaan Daahir Xasan Cabdi hoggaaminayay ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Xubnaha wafdiga ayaa waxaa ka mid ahaa xildhibaan Nuur Iidoow Beylle, Xildhibaan Max’uud Max’ed Guure,Xildhibaan C/llaahi Goodax Barre, Xildhibaan Max’ed Cumar Macaloow, iyo Xildhibaan C/qaadir Sheekh Xanafi iyo xubno kale.

Wafdiga ayaa markiiba gaaray madasha uu ka soconayo shirka dib-u-hishiisiinta beelaha dega gobolka Hiiraan oo maalmihii ugu danbeeyayba ka socday magaalada Beledweyne.

Xildhibaan Daahir Xasan oo wafdiga hoggaaminayay ayaa xildhibaannadan hor dhac u yihiin wafdi heer sare ah oo maalmaha soo socda lagu waddo in ay soo gaaraan Beledweyne si ay uga qeyb-gallaan shirka.

Xildhibaan Nuur Iidoow Beylle oo la hadllay warbaahinta ayaa sheegay in ujeedada socdaalkooda Beledweyne uu yahay in ay xoojiyaan shirka dib-u-hishiisiinta islamarkaana taageero u muujiyaan, madaama ayuu yiri shirka uu taageeray madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

“Waad og-tihiin madaxweynaha Somalia ayaa ka hadllay shirka oo sheegay in uu yahay shir sharci ah oo ay dowladdu og-tahay, waxaan uu qorshuhu yahay maalmaha soo socda in ay soo gaaraan magaalada wafdi ka socda xukuumadda,” ayuu yiri Nuur Iidoow Beylle.

IMG_0131Wajiga hore ee shirka ayuu ku tilmaamay in uu yahay mid dib-u-hishiisiin ah, isaga oo intaa ku darray in tallaada xigta ee looga sii gudbayo go’aan ka gaari doonaan bulshada reer Hiiraan iyo ergada ka qeyb-qaadaneysa shirka.

“Shirka hadda socda waa mid dib-u-hishiisiin ah marka uu soo dhamaado tallaada xigta waxaa go’aan ka gaari doona bulshada gobolka ku dhaqan iyo ergada shirka hadda ka qeyb-qaadaneysa, laakiin muhiimadu waxay tahay in dadku wadda hadllaan kana arrimiyaan mustaqbalkooda siyaasadeed,” ayuu yiri xildhibaan Nuur.

IMG_0133IMG_0136IMG_0137IMG_0139IMG_0142IMG_0159Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!