Xildhibaanno ka soo horjeestay gollaha wasiirrada maamul gobolleedka Galmudug

by admin | Sunday, Aug 30, 2015

Cadaado : HN :– Wararka ka imanaya magaalada Cadaado ee xarunta ku-meel-gaarka u ah maamulka Galmudug, ayaa sheegaya in saacdihii ugu danbeeyay halkaa ka jireen shirar kala duwan oo ay lahaayeen mudanayaal ka tirsan baarlamaanka maxub_3amul gobolleedka Galmudug, kuwaa oos iweyn uga soo horjeeda gollaha wasiirrada uu dhawaan ku dhawaaqay madaxweynaha maamulka C/kariin Xusseen Guulleed.

Xildhibaannada kulanka ku yeeshay Cadaado oo isbaheysi ay ugu magac-dareen Badbaadinta maamulka Galmudug sameynta, ayaa kor u dhaafaya ilaa 30 xildhibaan, waxaana ay siweyn uga soo horjeedaan golllaha wasiirrada uu dhawaan ku dhawaaqay Madaxweynaha Galmudug Mududane Cabdi Kariin Xuseen Guuleed, waxa ayna xildhibaanadan saacadihii lasoo daafay kulamo xasaasi ah ku lahaayeen Magaalada Cadaado.

Sababaha ugu weyn oo ay xildhibaannadan isku baheysanayaan ayaa lagu sheegay in siddii ay uga hor iman lahaayeen xubnaha gollaha wasiirrada la magacaabay marka la horkeeno baarlamaanka Galmudug.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!