Xildhibaanno ka soo horjeestay mooshin laga keeno ra’iisal wasaare C/wali

by admin | Wednesday, Nov 5, 2014

Muqdisho : HN :– Mudanayaal ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa markii ugu horreeysay shaaciyay inay mooshin ka keeni doonan guddoonka sare ee baarlamaanka haddii ay soo baxdo mooshin laga keeno xukuumadda uu hoggaamiyo ra’iisul wasaare Cabdiweli.

Hadalkan ayaa soo baxay xilli ay jiraan xildhibaanno qorsheynaya mooshin inay ka keenan ra’iisul wasaaraha Soomaaliya,Cabdiweli Sheekh balse tirada ugu badan ee xildhibaannada ayaa ah kuwa taageersan xukuumadda iyo Cabdiweli Sheekh.

Xildhibaanno u muuqda kuwo taageersan ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, C/wali Sh Axmed ayaa sheegay in haddii mooshin la keeno baarlamaanka uu sababi karo inay xil-dhibaannadu gacmaha iskula tagaan sidii horay u dhici jirtay oo kale.

“Waxaan halkan ka sheegayaa in haddii mooshin la keeni baarlamaanka ay xildhibaannadu gacmaha iskula tegi doonaan, waayo hadda baarlamaanku wuxuu u muuqdaa mid ka duwan kuwii KMG ahaa oo mar walba haddii la keeno mooshin gacmaha iskula tegi jiray, balse mooshin hadda la keeno dib ayuu ugu celin doonaa baarlamaanka sida kuwii hore,” ayuu yiri xildhibaan Sanyare oo ka mid ah xildhibaannadii ka hadlay kulankan.

Kulankan oo dhacay shalay ayaa waxaa sidoo kale ka hadlay xildhibaanno kale, kuwaasoo sheegay in madaxweynaha ay ku wargelinayaan inuu ka digtoonaado in mooshin uu ka keeno ra’iisul wasaaraha, iyagoo xusay inay horay madaxweynaha uga dalbadeen inuu ka fiirsado mooshinnada is-daba-socda ee laga keenayo ra’iisul waasarayaasha.

Xildhibaannada ayaa xilligan ay kuwo kala taageersan ra’iisul wasaarah iyo madaxweynaha waxaana saameeyay khilafka labada mas’uul oo an wali wax hal ah laga gaarin.

Hiiraan Net.

__

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!