Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka oo gaaray magaalada Kismaayo

by admin | Saturday, Mar 21, 2015

Kismaayo : HN :–Mudanayaal ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, ayaa safar shaqo ku tagay  maanta magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose, iyaga oo kormeeray qeybo ka mid ah magaalada.

Xildhibaannada oo ay ka mid ahaayeen xildhibaan Max’ed Sheekh Aadan iyo xildhibaan Sacdiya Carays Ciise Kaarshe ayaa kormeerayKismaayo2 saldhigga booliska, isbitaalka guud iyo Bangiga maamulka Jubba iyo goobo kale.

Xildhibaannada ayaa sheegay in ujeedka kormeerkoodu yahay u kuur-galidda xaaladda nololeed ee dadka ku nool Kismaayo

Maamulka KMG ah ee Jubba ayay ku ammaaneen xildhibaannadu hawlaha dhinaca amniga ah ee uu qabtay muddadii u dhisnaa.

Ma’aha markii ugu horeysay oo mudanayaal ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya tagaan ama kormeeraan qeybo ka mid ah magaalada Kismaayo ee hadda xarunta u ah maamulka Jubba.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!