Xildhibaanno kale oo maanta lagu doortay magaalada Garoowe

by wadani | Monday, Dec 12, 2016

Garoowe : HN :- Waxaa wali halkeedii ka sii socta doorashada xubnaha aqalka hoose dowlad gobolleedka Puntland oo maanta ay ku soo baxeen tiro xildhibaanno ah, waxaana ka mid ah xildhibaannada maanta lagu doortay Garoowe Canb Xasan  Cilmi oo ah guddoomiye ku xigeenka haweenka Qaranka waxaana codadkii la dhiibtay ay ka heshay 45 halka Ifraax Nuur Maxamed oo la tartantay heshay 6 cod,sidoo kale waxaa isna soo baxay Axmed Ismaaciil Shabeel oo helay 48 Cod.

Waxaa siddoo kale mudanayaasha maanta la doortay ka mid ah Axmed Max’uud Dubays ,iyadoo maanta lagu wado in doorashada aqalka hoose magaalada Garowe lagu soo gaba gabeeyo.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!