Xildhibaanno ku shiray Muqdisho oo ka soo horjeestay xukuumada cusub

by admin | Tuesday, Jan 13, 2015

Muqdisho : HN :– Tan iyo wixii  ka danbeeyay markii lagu dhwaaqay ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid xukuumada cusub, waxaa soo baxayay mucaaradad hoog leh oo xukuumadaa soo kasoo wajahayay inta badan mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya.

Kulan maanta ay ku yeesheen magaalada Muqdisho mudanayaal ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in wax la aqbali karo aheyn sidda ay hadalka u dhigeen in tallada dalka ay afduubaan koox yar inkastoo aysan shaacin kooxda ay ka hadllayaan.

Mustaf Mukhtaar Guudow oo u hadlay Xildhibaano ku dhow 80 Xildhibaan ayaa sheegay in aanay Xukuumada kalsoonixildhibano-kudlo-2 siin doonin, isagoo xusay inay la xisaabtami doonaan oo aanay ka hari doonin cidii soo dhistay.

“Xukuumada Kalsooni siin meyno, cidii soo dhistay ee ka dambeysay ka hari meyno, xukuumadan waa musiibo qaran, waayo dadkii Soomaaliyeed wey u hugoobeen rajadii ay ka lahaayeen, qolooyinka la magacaabay waa iska tagayaan xaqiiqo waaye taas”ayuu yiri Mustaf Mukhtaar Guudow.

Sidoo kale Xildhibaano kale oo ku dhowaa kontameeyo, balse ay sheegteen inay yihiin 68 Xildhibaan ayaa bayaan ay soo saareen waxay ku sheegeen in aan laga fiirsan soo magacaabista Xukuumada oo ay ka dhex muuqdaan dad gaar ah.

Xildhibaanadan ayaa waxaa ka mid ahaa Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha C/llaahi Goodax Barre iyo Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan oo Wasiirka Arrimaha Dibada ka soo noqotay Xukuumadii Saacid, waxaana xubnahan ay iska dhex doorteen Guddi 10 xubnood uu Gudoomiye u yahay C/llaahi Goodax Barre.

C/llaahi Goodax ayaa sheegay in go’aanada iyo fikirka Xildhibaanada uu muujinayo wal walka laga qabo in xasilooni siyaasadeed uu dalka ka dhaco.

Xildhibaanadan ayaa noqonaya kuwii ugu badnaa ee ka soo horjeesta Xukuumad la soo dhiso, iyadoo horay loo arki jiray in Xildhibaano qaarkood oo warbaahinta ka hadla inay diidaan hadba xukuumada la soo dhiso, waxaana ay tani muujineysaa cabsi ah in Xukuumadan ay weyso kalsoonida Baarlamaanka, marka loo eego aqlabiyada xildhibaanada ee durbaba diidan.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!