Xildhibaanno sharci darro ku tilmaamay warka ka soo baxay xeer ilaaliyaha Qaranka

by admin | Monday, Dec 8, 2014

Muqdisho : HN :– Mudanayaal ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa xad gudub iyo sharci darro ku tilmaamay amarkii ka soo baxay Xeer Ilaaliyaha Qaranka iyo xafiiska Hanti dhowrka Guud,kaasoo ahaa in xubnaha Golaha Wasiirada aanay dalka ka bixi karinta, inta ay xilka wareejinayaan.

Xildhibaan Maxamed C/llaahi Xassan oo u hadlay mudanayaasha ayaa sheegay in go’aankaas uu yahay mid sharci daro ah, isla markaana aanay dastuurka dalka meelna uga qorneyn, aanay marnaba shaqeyn doonin sida uu yiri.

“Warqada ka soo baxday xafiiska xeer ilaaliyaha guud iyo hanti dhowrka guud ee soo baxday 6-dii bishan, kuna saabsaneyd xayiraad iyo safar ka joojin xubnaha golaha wasiirada waxaa loola jeedaa aflagaado loo geysanayo xubnaha golaha wasiirada, waana mid sharci daro ah”ayuu yiri Xildhibaanka Maxamed C/llaahi.

Sidoo kale Xildhibaanka ayaa sheegay in tallaabo sharci ah laga qaado xafiisyada ay warqadaas ka soo baxday, isagoo ugu baaqayxildhib Madaxweynaha inuu cadeeyo mowqifkiisa ku aadan warqadan.

“Madaxweynaha waxaa dooneynaa in uu cadeeyo mowqifkiisa ku aadan warqadan, qodobka 103 ee dastuurka wuxuu qeexayaa si sharci ah oo dastuuri ah, xilka in ay sii heyn karaan golaha wasiirada oo ra’iisul wasaaruhu yahay kii xilka ku simi lahaa Ra’iisul Wasaaraha bedelaya”ayuu mar kale yiri Xildhibaanka.

Xildhibaanka oo sii hadlayay ayaa yiri “Waxaa la rabaa in dareenka dadka loo tusiyo inay yihiin dambiilayaal dalka ka baxsanaya Wasiirada shaqada sii haya, ma jirto meel ay sharciga ka qoran tahay in xafiiska madaxweynaha bixiyo amar fasaxaya Wasiir dalka ka baxaya, waxaa si cad u cadeyneynaa in warqadaas ay tahay sharci daro oo aanay shaqeyneyn”

Hadalka ka soo yeeray xeer ilaaliyaha ayaa imanaya kaddib markii ay xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya kalsoonida kala noqdeen xukuumadii uu hogaaminayay ra’iisal wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed Max’ed.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!