Xildhibaanno ugu baaqay ra’iisal wasaaraha in uu is casillo Axada ka hor

by admin | Thursday, Nov 27, 2014

Muqdisho : HN :– Iyadoo maalinta Axad ah ee nagu soo foolka leh taariikhduna ku beegan tahay 30-ka bishan November loo ballansan yahay kulan ay yeellan doonaan mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya, kaasoo la sheegay in looga doodi doono mooshinka ka dhanka ah ra’iisal wasaaraha, ayeey xildhibaannada mooshinka wadda ugu baaqeen ra’iisal wasaaraha in uu si casillo ka hor maalinta Axada ah.

Xildhibaannada ayaa dhinaca kale wax lala yaabo ku tilmaamay in guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya uu si kale u fasiray hadalkiiCabdiweli-wareysi guddoomiyaha baarlamaanka siddaa daraadeed loo baahan yahay in uusan waqtiga sii dheereynin xilkana iska casilo ka hor inta aan codka kalsoonida loo qaadin.

Laakiin haddana dhinaca marka aad eegto war-murtiyeedkii dhawaan ka soo baxay xafiiska guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in aan la sii waddi karin mooshinka, islamarkaana fadhiga soo socda xildhibaannadu ka doodi doonaan sharciyada kale ee baarlamaanka hor yaalla.

Lama ugu danbeyntii halka uu xaalku ku danbeyn doono madaama khilaafka u dhaxeeya madaxweynaha dowladda Soomaaliya iyo ra’iisal wasaarihiisa uu noqday mid ragaadiyay ama joojiyay dhamaanba howlihii dowladda.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!