Xildhibaano dalbaday in xukuumada la horkeeno baarlamaanka maalinta sabdiga ee 31-janaayo

by admin | Thursday, Jan 29, 2015

Muqdisho; HN;- Kulankii Maanta ee Baarlamaanka Soomaaliya ku yeesheen Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa laga hor Aqriyay Qoraal ay ku saxiixan yihiin 25-Xildhibaan oo doonaya in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake uu Wasiiradda cusub Baarlamaanka hor keeno 31-ka Bishaan oo ku Aadan Maalinta Sabtida Soo socota.

Xildhibaan Cabdalla Xaaji Cali oo kamid ah Xildhibaanadii qoraalka soo gudibayay ayaa Xildhibaanada ka hor Aqriyay  Qoraalka,waxaana ay sheegeen in Ra’iisul Wasaaraha looga baahan yahay in uu 31-Bishaan uu Wasiiradda Hor keeno Baarlamaanka islamarkaana  aysan jirin Sabab kale oo dib loogu dhigi karo.

Ra’isal Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaake ayaa todobaadkan gudihiisa soo Magacaabay 20-Wasiir oo ka mid noqonaya Golaha Wasiiradiisa Cusub waxa uuna sheegay in uu dib ka soo Magacaabayo Wasiir ku xigeenada iyo Wasiiru dowlayaasha dhiman.

Wasiirada cusub ayaan dhamaantood ku jirin baarlamaanka waxaana la saadaalinayaa in aay adkaan doonto in baarlamaanka aay maraan.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!