Xildhibaanow waxad ku dhaarateen iyo dhaqankiinu waa ka kaaf iyo kala dheeri

by Yahye | Thursday, May 8, 2014

Xaalada Somaliya arinkeeda waa HASHA MAANKEY GADAY E MA MASAAR BEY LIQDAY  eraygaa oo markii danbe noqday maahmaah caana wuxuu ku baxay waa baa waxaa jiray nin aad u bartay daweynta Geela arinkaasna  wuxuu gaaray Dagaano badan haduu ruux ka bukoodo Geel oo lagaran waayo cudurkii waxaa la dhihi jiray war haloo geeyo hebel isagaa ku xeel dheer daweynta Geela waxey sidaa ahaato oo geel badan meelo fog daweyntiisa ugu yimaado uu ku bogsoodo.

Magaalo wax ay ku dabiibi jireen koox arxanlawayaal ah oo isku baheysatay iney ku dul noolaadaan  Geeleyda hadii loo geeyo neef Geel oo jiran waxey hadalka ku soo gaba gabeyn hadii Geela kale lagu sii dhax daayo cudurkiisa ayuu qaadsiinaya waana in dhaqsi loo bireyaa markii neefkii la qalo inta badan iyagaa qaadan jira waxey sidaa ahaato waxaa magaaldii yimid ruux safar ah oo u soo martiyay wuxuuna la kulmay iyadoo Hal Geela oo ragii dabiibka loo geeyay kuna yirahden waa in Geela kale lagu sii dhax deyn wayoo cudurka ayay u gudbinee waana in dhaqsi loo bireeyaa  laakin Ninkii soo martiyay ayaa ku yiri waxaa Aniga ku talinayaa in loo geeyo hebel oo aad u yaqaano xanuunada ku dhaco Geela sidaan ogahana hashaan cudurka ay qabto in badan oo lamida wuu ka daweeyay .

Waxaa arinkaa u riyaakhay ruuxii Hasha lahaa wuxuuna weydiiyay halka laga helo ruuxa Geelo dabiibo Ninkii ayaa ku yiri anigaa u socda waxaana loo socdaalay magaaladii uu daganaa. Nasiib wanaag maalmo ka dib waxaa goor casir ah meel fog ka soo muuqday Ninkii iyo Hashii oo wada socdo waxaa ku soo xoomay dadkii tuulada daganaa oo layaabay Hashii lagu yiri cudurkeda daawo malaha iyadoo caafimaad qabta oo waliba aad u qurux badan. Hadalkii wuxuu wada gaaray tuladii wixii markaa ka danbeeyay Geeleydii waxey bilaabeen ruuxii geel ka xanuunsada in uu ula socdaalo magaaladii uu jogay dabiibka .

Kooxdii talo ayaa faro hooda ka baxday waana laga aamin baxay nonoshii baa ciriiri ku noqotay mudo kadib tuulada banaankeeda ayay ku balameen si arinkaan ku xaliyaa dood dheer iyo falanqeyn badan kadib waxaa lesku af gartay Ninka  soo dabiibay hashii iyaga ku taliyeen in al bireeyo oo Nagu diray geeleydii waa in isgana aan ceebeynaa waxaana talo lagu gaaray in Hal Geela goor habeen ah afka qasab looga furo birta masaarta kaliya dhuunta laga galiyaa kadib loo geeyaa markuu garan waayo ay ku dhahaan aaway aqoontii aad ku sheegteen muu sheego waxa hasha ay u bukto. Subaxdii ayaa Hashii loo kaxeeyay magaaladii uu joogay waxana horay u raacay in badan oo shacabkii tuulada  masaafo dheer kadib waxaa la gaaray Magaaladii

Hashii oo calyada ka  daadaneyso ayaa Dabiibkii loogu yeeray  markuu yimid  arkayna meelo badana ka firiyay wuxuu dareeamy in Hasha uu ka muuqan cudur  laakin wuxuu dareemay in cunaha wax kaga jiraan kadibna isagoo Hashii dhuunta ka taabanaayo ayuu yiri (HASHA MAANKEY GATAY MA MASAAR BEEY LIQDAY) kuna yiri dadkii afka hasha ii kala qabta kadibna ka soo saaray MASAARTII Waxaa goobtii ku fashilmay kooxdii arxanlaawayaasha waxeyna shacabkii ka codsadeen in la cafiyo.

Aqristow in badan oo ka mida xubnaha Baarlamaanka sow malaha dhaqanka kooxdii Hasha Masaarta afka ka galiyay iyagoo nolol maal meed ka raadinaayo waxaan leeyahay  waad fashilateen ee inteey goori goortahay ka soo noqda qaladka ee ilaah cafis waydiista wayoo waxaad ku dhaarateen iyo dhaqankiina waa kala labo .

Gabagabadii shacabka ku nool Caasimada somaliya waa in ay ogaadaan doqonta wax magaratada ah oo magacooda sheeganaayo caruurtodana dalka dibadiisa ku nool iygana waxey heestaan basabor dalal kale dana kama laha nabada ka soo bidhaameyso Magaalada Muqdisho  waxeyna u adeegayaan koox dagaanadooda nabad ah oo  DAAH GADAASHIISA ISKU QARINAYO .waxaan wadnaa baaritaan xaqiiqo raadis ah oo aan ku soo bandhigidoon magacyadooda hadii ILAAH IDMO

Wabilaahi Towfiiq By Abdirahman M Nur

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!