Xildhibannada baarlamaanka Soomaaliya oo ku kala qeybsan gollaha wasiirada cusub

by admin | Tuesday, Jan 13, 2015

Muqdisho : HN :-Habeen ka hor ayeey aheyd markii ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya uu ku dhawaaqay xubnaha gollihiisa wasiirrada, ayaa durbaba waxaa jira kala aragti-duwanaan ay muujinayaan xildhibannada baarlamaanka Soomaaliya oo ku kala qeybsan sax ahaanshaha magacaabista gollaha cusub ee wasiirrada.

Xildhibaan Maxamed Cumar oo ka mid ah xildhibaannada xukuumadda lasoo dhisay soo dhaweeyay ayaa sheegay in ra’iisul wasaare Sharma’arke uu soo dhisay xukuumad dheelli-tiran, kuna saleysan habka awood qaybsiga 4.5-ka ee ay ku dhisan tahay dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale, xildhibaanka ayaa sheegay in aragti ahaan ay xukuumaddaani ka heli doonto baarlamaanka codka kalsoonida640x427xBaaralamanka-Soi.jpg.pagespeed.ic.O2dUUP1Hvq, maadaama ay tahay mid habka sharciga ah ee dalka ka jira lagu saleeyay. Wuxuuna intaas ku daray inaysan jirin wax caqabad ah oo hor-imaanaysa kalsooni siinteeda, inkastoo uu qiray inay xildhibaannada u dhexeyso kala aragti-duwanaan ku saleysan xubnaha ka dhex-muuqda xukuumadda.

Wasiirrad cusub ayaa waxaa ku jira in ka badan toban wasiir oo ka mid ahaa xukuumadihii dalka soo maray, taasoo xildhibaanada qaarkood ay u arkaan nay tahay mid dano-gaar ah ku saleysan.

Dhinca kale, xildhibaan Aadan Saadaq Maxamed ayaa dhaliilay habka uu u maray ra’iisul wasaaraha Soomaaliya dhismaha xukuumaddiisan cusub oo uu sheegay inay ka muuqato faragelin. Isagoo xusay in madaxweyne Xasan uu magacaabay inta badan golaha wasiirrada cusub.

Xildhibaanka ayaa intaas ku daray inaysn wax fiican hayn in lagu soo daro xukuumadda cusub wasiirro ka mid ahaa xukuumaddii kalsoonida lagala laabtay oo lagu eedeeyey inay ku fashilantay howlihii loo ig-maday.

Waxaa siweyn isha looga wadda hayaan mar haddii la soo magacabay xubnaha gollaha wasiirrada sidda madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaruhu u marin doonaan ama ugu heli doonaan codka kalsoonida baarlamaanka Soomaaliya.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!