Xildhibanno durbaba ka soo horjeestay dhismaha gollaha wasiirrada cusub

by admin | Monday, Jan 12, 2015

Muqdisho : HN :– Kaddib kulan magaalada Muqdisho xildhibaanno ka tirsan barlamaanka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in marba aysan meel marin doonin gollaha wasiirrada cusub ee uu soo dhisay ra’iisal wasaare Sharma’arke, madaama sidda ay hadalka u dhigeen ay ka buuxaan wasiirradii xukuumadii hore kalsoonida lagala noqday.

Xidhibaan Cabdi Axmed Dhuxuloow (Dhag-dheer) oo u hadllay mudanayaasha sidda weyn uga soo horjeestay wasiirradakutlada cusub, ayaa sheegay in wax la aqbali karo aheyn habka uu wax u soo dhisay ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid, islamarkaana ka hor iman doonaan marka la horkeeno gollaha baarlamaanka.

”Wasiirrada la soo magacaabay waa kuwii aan shalay kalsoonida kala noqonay, wax la qaadan karo ma’aha, maxaa loo dumiyay, ma aqbali doono habka wax loo soo dhisay” ayuu yiri xildhibaan Dhag-dheer.

Mudanayaasha baarlamaanka ee maanta ku shiray maanta magaalada Muqdisho ayaa si gaar ah uga soo horjeestay wasiirrada qaar oo ay farta ku godeen, kuwaa oo ay sheegeen in ay ka dhax olaleynayeen baarlamaanka iyaga oo waliba duminaya xukuumadii ay ka tirsanaayeen waqtigaa.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!